Home > Baargaal, WARARKA > Taarikh Nololeedkii (AUN) Xildhibaan Bille Maxamuud Yuusuf, Talo Ku Wajahan Beesha Xuseen Talareer,iyo Dawladda Puntland

Taarikh Nololeedkii (AUN) Xildhibaan Bille Maxamuud Yuusuf, Talo Ku Wajahan Beesha Xuseen Talareer,iyo Dawladda Puntland

Wednesday, March 14, 2012

By:Maxamed Samatar Yuusuf Garabyare

Allah Ha unaxariistee wuxuu marxuum Bille Maxamuud Yuusuf garabyare dhashay 1952dii, wuxuuna ku dhashay magaalada Xaabbo ee Degmada Caluula.

Wuxuu booliska soomaaliya qortay 1975tii.
Waxa uu ka soo shaqeeyay gobolada soomaaliya intooda badan, shaqadiisa khaaska ah waxay ahayd taarwale booliska ah (eretii).
Waxaa tababaro iyo koorsooyin loogu qaaday dhawr waddan oo dibadda ah sida jabuuti iyo Uganda.

.

.
Bile wuxuu dad adduun kaga tagay 9 wiil iyo 4 gabdhood iyo 6 ay sii dhaleen iyo labo xaas.

.
.

Markii ay dhacday dawladdii dhexe ee soomaaliya intii ka danbaysay wuxuu kamid ahaa odayaasha iyo waxgaradka Beelaha Hartiga ee Gobolada waqooyi bari,wuxuu kasoo shaqeeyay ururkii SSDF ee mudo katalinaayay goboladatan, wuxuu kamid ahaa saraakiishii usoo halgamay goboladatan xiligii dagaalada sokeeye,wuxuu kaloo kamid ahaa dadkii fara kutiriska ahaa ee ka soo shaqeeyay in SSDF looga guuro maamulka Puntland.
.
.
Bille alla ha unaxariistee wuxuu ahaa nin jecel midnimada horumarka iyo nabadgalyada Puntland, qayb libaaxna kasoo qaatay horumarka iyo nabadgalyada reer puntland sanadku markuu ahaa 2009kii , xildhibaanku wuxuu ahaa nin hal abuur leh hadalkiisana aan la gabban oo ku adkaysta waxa uu aaminsanyahay,wuxuu ahaa nin ku caanbaxay in uu ka shaqeeyo danta caamka ah.

.
.
Marxuumku wuxuu safar ugu baxay markii ladilaayay degmooyinka baargaal iyo caluula , ee uu ka soo jeeday allaha unaxariistee wuxuu u socday dano guud iyo in uu gaaro qoyskiisa oo deggan magaalada xaabbo, taariikhdu markay ahayd 27/1/2012 waxaa jidgooyo u dhigtay kontroolka magaalada baargaal koox kasoojeeda “degmada caluula iyo baargaal “ayaga oo si bareer ah ugu furay rasaas aan loo aaba yeelin baabuurkiisiina shabaq ka dhigay, halkaas ayuu ku geeriyooday allaha unaxariistee.

.
Maydka marxuumku wuxuu dibadda oolaa 12 caanomaal oo aan la aasin markii laysku afgaran waayay ciddii ama dadkii gacan ku dhiiglayaasha ahaa ee falkaasi gaystay in la caddeeyo, sababtoo ah gacan ku dhiiglayaasha ayaa isku dayay in ay ku andacoodaan maamul ayaa dilay, waxayna u cuntami wayday arintaasu dhibanayaashii oo mawqifkoodii ku adkaystay kaasoo ahaa “in la cadeeyo dadkii Marxuum bille dilay”.

.
.
Waxaa xusid mudan allaha unaxariistee in marxuumku xariga kasoo daayay “xareed” isaga oo geed dheer iyo geed gaabanba u koray sidii uu mar uun debada ukeeni lahaa isga oo dhawr jeer madaxwaynaha ugu noqnoqday ilaa uu ku guulaystay in uu damiinto.
.
.
Waxaan kale oo idin xasuusinaayaa allaha u naxariistee Bile maxamuud yuusuf garabyare , awoowihiis yuusuf garabyare taariikhdiisi iyo meeshii uu bulshada kaga jiray.

Odaygu allaha unaxariistee wuxuu ahaa nin caan ka ahaa degaamada calbari wuxuuna ahaa nabadoonka nabadoonada Beesha Ciisa Cawlyahan,waxaa odayga lagu xasuustaa sadexatan kalmadood oo murtida ah.
.

.
1) Dayn in uu halaag yahay ninkii dumar u sheegtaa og.
2) Dulmi inuu halaag yahay ninkii duugta galay baa og.
3) In dekeno halaag tahay ninkii duurka galay baa og .

.
.
Beelaha Xuseen Talareer
.
.

.
Marka hore allah ka cabsada oo diinta islaamka ku dhaqma oo ogaada in aan dhamaanteen geeri ku xakumanay qofba si ha u dhintee, waxaa sidaas u leeyahay waxaa ogahay dad badan oo idinka mid ah oo sharciga islaamka dhinac ordaaya , oo dhiiga bille duudsiinaaya oo leh urur baa dilay, maamul baa dil , iyo wax lamid ah , iyaga oo og sida wax u dhaceen waxaa kuwaas dulmiilayaasha ah oo u tafaxaytay xumaanta, beenta iyo isku dirka uga digaayaa in ay ka dhexbaxaan mugdiga ay ku jiraan.

.
Waxa kale oo aan idiin sheegaayaa “habaar ka wayn majiro dhiig sokeeye alla ku gali”

“Xareed iyo Shire waxay si bareer ah oo gardaro ah u dileen inna adeerkood bille oo birimagayda ah” , qoortuuna u suranyahay, adduun iyo aakhirona waa lagu ciqaabaayaa insha allaahu iyaga iyo mooryaanti ay adeegsadeenba.

.
.
“Todobaatan iyo toban gu’ baa tibin laraadshaa inta wiil ka tabargalhayo baa taaha lahayaa” yaan la sahlan dhiigii marxuum Xildhibaan Bille.
.
.
Waxa kale oo aan idiin sheegaayaa “fikirka aan ka qabo” in baargaal iyo caluula ciidamo loo diro si loo soo qaqabto danbiilayaasha oo sharciga loo horkeeno , way fiicnaan lahayd hase yeeshee waxaa dhibaato kasoo gaaraysaa dad aan waxba galabsan, gacan ku dhiiglayaashuna buuraha ayeey u cararaayaan sidii caadada u ahaydba.
Midda kale danbiilayaashu waxay rabaan in dhibaato dhacdo oo hadda meel ay galaan ayay la’ yihiin.
.
.

Waxayna hadda ku ducaystaan ilaahow hadda ciidamo noo keen 40 ama 50 siwaaqroon ah halaga dilee, si xaaladdu faraha uga baxdo.
Sidaas darted waxaan ku talin lahaa in aan wax ciidamo ah loo dirin degaanada caluula iyo baargaalba.
.
Dawladda Puntland waxaan ka codsanaayaa inaan loo dirin wax ciidan ah eeryadaas calbari , oo yaan fursad lasiin denbiilayaashu ay ugu dhexnoolaadaan bulshada, waxa hubaal ah haddii sidaas layeelo in noloshu ku adkaan doonto.
.
.
Waxaa kale oo aan kula talinaayaa waxgaradka iyo odayaasha beesha in ay ka qaybqaataan nabadgalyada horumarka iyo midnimada puntland waxna la qaybsadaan dadka walaalahood ah ee ay dalka wadaagaan wixii cabasha ahna dawlada kala hadlaan.
.
Sidaan aan lawada socono puntland waxay ku talaabsatay horumar siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba,dhawaanna waxaa magaalada garoowe lagu soo gaba gabeeyay shirkii aayaha soomaaliya lagaga hadlaayay oo ahaa sidii dawlad rasmi iyo fedraal ah loogu guurilahaa , shirkaas oo labo fays ahaa waa lagu guulaystay indhaha caalamkuna aad ayeey inoo soo fiiriyeen waa wax lagu farxo , waxaa intaas dheer riiga ka taagan dooxada dharoor ee shidaalka qodaaya , adduun oo dhammi wuxuu xiisanyaa in uu puntland xiriir la yeesho , shirkado badan baa u kala ordaaya sidii ay mashaariicda ukala horaysan lahaayeen.
.

.
Dawladda Puntland
.
Dawladda puntland ee uu hogaaminaayo madaxwayne Dr. C/raxmaan maxamed maxamuud faroole waxaan ugu baaqaayaa in ay ka shaqayso nabadgalyada,horumarka , cadaalada iyo midnimada puntland si ay u xaqiijiso arimahaas.
.
Waxaa xaqiiqo ah in ay dawladdu ku guulaysatay siyaasadda dibadda hase ahaatee waa in ay hoos u eegtaa xaaladda gudaha reer puntland, sida qaabka ilka cabashadooda saami qaybsiga dawlada iyo khayraadkaba.
.
Waxa kale oo aan ka codsanaayaa madaxwaynaha iyo dawladiisaba in ay gogol u fidiyaan odayaasha iyo waxgaradka beesha xuseen talareer si looga wada hadlo wixii tabasho ah ee ay beeshu sheeganayso in muda ahba.
.

Dad puntland diid ah oo dano ugaara iyo dano shisheeye wata ayaa reerka ku dhex jiray, waxayna beesha dhex dhigeen colaad , amaano daro, cuqdad iyo burbur si guuldarooyinkaas beesha ku habsaday iyo been abuurkaasba looga soo kabto waa in ay dawladdu talaabo degdeg ah qaadaa oo beesha lagu soo dhawaynaayo.
.

Midda kale waxaan ka codsanaayaa madaxwaynaha puntland inuusan wax ciidan ah u dirin degaanada calbari , si waxyeelo uga soo gaarin dad aan waxba galabsan hada iyo intuu xafiiskiisa fadhiyo, sababtoo ah waxaa jecel cadawga puntland oo ay kamid yihiin gacan ku dhiiglayaasha xildhibaan bile dilay Allaha unaxariistee.

.
.

Wabilaahi tawfiiq

.

Qore : Maxamed Samatar Yuusuf Garabyare

.

DHAMMAAD.

.

FG: Qoraalkan waxaa lasoo diray March 11 keedii,waxaanse helnay 14 ka oo aannu soo daabacnay,raali naga ahaada.

.

Qoraalkan ciddii dood ka qabta ama su’aalo waxay la xiriiri kartaa qoraha kasuxiixan.
.

Waxaa kaloo ufuran in haddii qoraalkan ay jawaab ka bixinayaan ay Laaska News usoo diraan qoraalkooda si aannu ugu soo daabacno.
.

Waxaan kaloo ugu baaqaynaa Beesha qoraalkan ku wajahan yahay inay si degdeg ah arrinta wax uga qabtaan oo aysan cidna sugin.

.

Laaska News waa free, cid walba waa furan yahay Soomaali cid walba ha ahaato,mucaarad iyo muxaafidba.

.

Qoraalkuse waa inuu noqdaa mid run ah,wixii been ah shaqo kuma lihin meel daran iyo reero muskood la’aada.