Home > WARARKA > Maali – Ciidamo La wareegay Xaruunta TV ga,Rasaas Laga Maqlayo Caasimadda iyo Meelo Kale

Maali – Ciidamo La wareegay Xaruunta TV ga,Rasaas Laga Maqlayo Caasimadda iyo Meelo Kale

Thursday, March 22, 2012

Laaska News  Mar. 22, 2012

Wararka laga helayo caasimadda dalka Maali ee Bamako ayaa kusoo waramaya in ciidamo gadoodsan ay magaalada soo galeen  oo ay qabsadeen xaruunta Raadiyaha iyo TV ga Qaranka ee Maali,ayna warbaahintii hawada kabaxday.
.

Ciidankan ayaa la sheegay inay galabnimadii soo galeen iyagoo kasoo dhaqaay xero ilaa 15 KM u jirta caasimadda,waxaa kale oo la sheegayaa inay hub lawareegeen,xabadana ay hawada u ridayeen,waxaase ciidamo badan la dhigay waddooyinka aada dhinaca qasriga madaxtooyada.
.

.
Dhawr Saacadood kadib ayaa Ciidamo kale oo gadooday   laga soo sheegay magaalo kale oo lagu magacaabo Gao oo ilaa 1200 KM dhinaca Waqooyi Bari ka xigta caasimadda Bamako,waxaana laga maqlayay rasaas ka dhacaysa sida ay sheegayaan wararka ay warbaahinta ka sooxiganayso ciidamada iyo dad kale.

.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka gadoodeen maamul xuno ay utirinayaan xagga dawladda oo la xiriirta in sidii la rabay aan loola dagaalamin jabhado hubaysan ee Dawaariqa (Tuareg) ee kadagaalama dhinaca waqooyiga barakacna ku sameeyay dad 2 ilaa 3 boqol kun ah.

.

Maali ayaa dhawaan qabatay Taliyihii Sirdoonka xukuumaddii Qadaafi oo jihooyin badan laga dalbanayo,ninkaas oo lagu magacaabo Cabdalla Al Sanuusi ahaana madaxii Nabad sugidda ayaa waxa uu udalban yahay Faransiiska oo diyaarad dhacday oo dadku dhinteen u haysta iyo maxkamaddda caalamiga ah oo waaran u goysay kal hore,sidoo kale wuxuu udalban yahay oo hadda wafdi udirtay Maali oo dhawaan kasoo noqday rag kasocda Liibiya.
.

Wakaaladaha.
Laaska News