Home > WARARKA > Sooomaaliya – Ciidamada Oo La wareegay Magaalada Xudur Ee Gobolka Bakool

Sooomaaliya – Ciidamada Oo La wareegay Magaalada Xudur Ee Gobolka Bakool

Thursday, March 22, 2012

Muqdisho – Waxaa lagusoo waramayaa in ciidamada XDS oo ay taageerayaan kuwa Itoobiya ay la wareegeen Magaalada Xudur ee xaruunta Gobolka Bakool.
.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamadu ay gudaha ugaleen magaalada Xudur oo ay si nabad galyo ah ula wareegeen.Magaaladaas ayaa kamid ahayd deegaanada ay gacanta ku hayeen Shabaab, waxaana la sheegay in ay saaka kabaxeen.

 

.

Waxaa kale oo la sheegay:

 

Warbixin laga sii daayay BBC da oo uu soo tabiyay wariyahooda caanka ah ee Muqdisho, Mr.Dhoorre,wuxuuna ku bilaabay:-

.

“Wararka deegaanka naga soogaaraya ayaa sheegaya in aanay jirin wax dagaal ah oo halkaasi ka dhacay ciidamada shabaabna ay saaka waabarigii aaggaasi isaga baxeen,”
.
“balse shalay galinkii dambe uu dagaal culus uu ka dhacay deegaanka Aboore oo qiyaastii 25 KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Xudur”.

.
“Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dawladda KMG Soomaaliya ayaa dhex galay magaalada iyo waddooyinkeeda iyagoo guryaha aaggaasi qaarkood baarayaya gaar ahaan goobihii saldhigyada u ahaa xarakada shabaab”
.
“lama oga halka ay kabaxeen ciidamadii shabaab ee aaggaasi joogay balse waxaa la sheegay inay baneeyeen dhammaanba magaalada Xudur iyo nawaaxigeeda”.
.

“Magaalada Xudur ayaa waxay noqonaysa magaalada labaad ee ugu weyn ee Gobolada Bay iyo Bakool ee gasha gacanta ciidamada Itoobiya iyo kuwa dawladda KMG Soomaaliya, iydoo oo horrey ay ciidamadani ula wareegeen magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay”
.
M.M.Dhoorre.BBC.Muqdisho.

 

.