Home > Tacsi, WARARKA > Soomaaliya – Madaxweynihii Hore Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Oo Lagu Aasay Gaalkacyo

Soomaaliya – Madaxweynihii Hore Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Oo Lagu Aasay Gaalkacyo

Sunday, March 25, 2012

Muqdisho .March 25 (Laaska News)-Wararka nagasoo gaaraya magaalooyinka Gaalkacyo iyo Muqdisho ayaa kusoo waramaya in Madaxweynihii hore ee Dawladda KMG Soomaaliya Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo 23 kii bishan ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta maanta lagu aasay magaalada Gaalkacyo, looguna aasay si heer qaran ah iyadoo ay aaska kaqayb galeen Madaxda sare ee Dawladda Soomaaliya oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Sh. Axmed, uuna waheliyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo madax kale.

.
Waxaa kale oo lagusoo waranayaa in ay aaska ka qayb galeen Madaxda sare ee Puntland , masuuliyiin kasocday ASWJ,siyaasiyiin iyo dadweyne kale.
.
Maydka Marxuum Cabdullaahi Yuusuf ayaa lasoo mariyay gagida dayuuradaha ee Adan Cadde,Muqdisho,halkaas oo Dawladda Soomaaliya ay ugu sameeysay hab maamuus qaran,kadibna loogudbiyay magaalada Gaalkcyo.
.

Maxamed Yuusuf.
.
Muqdisho