Home > Faallo > Soomaali Wali Isma Baran Haddii Reer Guuraaga Oo Maqan Dastuur Layska Ansaxinayo!!!!!!!!

Soomaali Wali Isma Baran Haddii Reer Guuraaga Oo Maqan Dastuur Layska Ansaxinayo!!!!!!!!

Wednesday, March 28, 2012

Waxaa arrin la yaable ah dalka waxaa kajira xukuumad iyo Baarlamaan,shaqadii ay iyagu lahaayeen haddii ay tahay dal iyo dibad waxaa shaqadoodii ku haysta oo garab socda oo kagaba horreeya waddamo kale,hay’ado,iyo qaar maamulada kamid ah,kooxo iyo shakhsiyaad.
.
Sida la wada ogsoon yahay xukuumadda Soomaaliya waxaa la gu dhisay hab beeleed lagu magacaabay 4.5 ka.

.
Haddaba Sideebaa shaqadii ay xukuumaddu lahayd u ogolaataa in cid kale la wadaagto?
.
Baarlamaanka Shaqadii uu lahaa sidee cid kale u qaban kartaa?

Shakhsiyaad ama maamulo gaar ah go’aan maka gaari karaan hawl ay leedahay Dawladi ama Baarlamaan,darajo kasta ha yeeshee?
Dastuurka waddan qof kasta oo muwaadin ah xaq ma u leeyahay in laweydiiyo iyo inuu u codeeyo?
Cid aadan aqoonsanayn ama aadan katirsanayan oo aydin deegaan wadaagin,wax maku ansaxin kartaa?

Haddaba haddaan soo gaabiyo waxaan madaxda iyo masuul kasta oo soomaaliyeed uga digayaa inaan la khaldan.
.
Dalka Soomaaliya idinkaa dawlad u ah,haddii aad ogolaataan shaqadiina in laydinla qaybsado waxay taasi idiin noqonaysa arrin aad ka qoomamaysaan oo siyaasaddiina wax udhinta,dantii umaddana ay ku lunto.
.

Qabiilada Soomaaliya halahaadeen maamul ama yeysan lahaan,halahaadeen Dekado ama yeysan lahaan,hakala badnaadeen ama yeysan kala badnaan,waxaad ogaataan in heshiis iyo qaraaro aad la gaartaan maamulo gaar ah , beelo gaar ah , kooxo ama shakhsiyaad dawladda ka mid ah inaysan jirin cid idinka aqbalaysa!!!!!!
.

.
Soomaali waa iswada taqaan,nin walawba ogow ninkii qabiilinimo loo sheeganayo wax loo ansaxiyo ama madax dhaqameed haloo samaysto ama dastuur haloo ansaxiyo!!!!
.
.
Wax allaale wixii aad samaysaan waa idinku kaligiin,idinka ayay idinku kooban tahy haddii aannu nahay reer guuraaga ama xoolo dhaqatada, shaqo kuma lihin,namana dhibto,ninkii xeeb deggen iyo Beeralay ayaad dhib ku haysaan.

.
Waxaa kaloo socda arrin kale oo ah in xukuumadda Soomaaliyeed laga ilaaliyo inay hormood ka noqdaan cidda aan dekad lahayn,laguna doonayo in lagu qabsado qabiilooyinka aan lahayn dekado wax uga soo degaan.

.

.
Waxaan ku gabagabaynayaa dalka waxa ka socdaa waa inqilaabyo,wax kastoo la gaadhana waxaa ka dambeeya waa inqilaab,inqilaabkii ka horreeyay lagu inqilaabayo.
.
.
Waxaad isweydiisaan

Inqilaabyada yaa wada?

Yaa soo abaabula?

Yaa fuliya?

Maxay tahay Ujeedada ka dambeysa?

Waxaan ugu baaqayaa Madax dhaqameedyada soo jireenka ah ee Soomaaliyeed ee iyagana intaa inqilaabka la gu wado, inaysan is dhiibin,oo aysan waxba saxiixin,sababtoo ah tani waxay u eg tahay waqtigii uu gumeystuhu uu dalka soo galay ee uu heshiisyada la galay ee uu wax kasaxiixay odoyaasha iyo madax dhaqameedyada qaarkood markii dambana uu isku rogoy!!!!!!!!!!!

.
Waxaan si gaar ah baaq ugu dirayaa Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac, Garaadka Guud ee Beesha Dhulbahante inuu iska ilaaliyo waxa la wado iyo wax kale oo soosocda.
.

Fartiin Gaar ah.
.

Muqdisho waxaan leeyahay,muqdishooy dawladnimo kuseegtaye ee yaanay caasimaddu kuseegin“!!!!!!!.

.
Galmudugna waxaan leeyahay waxaa la yidhi “Soomaali hal il bey leedahay ishana Galmudug ayaa wax ku aragta”
“Ilaahay ta kalana hakuu furo”!!!!
.
Somaliland na waxaan leeyahay ” haddii sannadka oo Soomaali beylah tahay laydin aqoonsan waayo”,waxaad halis u tihiin “in laydin qabsado”,sababtoo ah “dekadda ayaa loo baahan yahay”!!!!!!

.

Puntland waxaan leeyahay “dhulkaaga iimaanso”!!!!!!!!
.

Reer Guuraagana waxaan leeyahay “adkeysta oo yaan lays dhiibin”!!!!!!!
.

NB:Reer guuraagu waa inta aan lasoo sheegin ee aan dekaddahana lahayn.

.
Ciise Adan.

Laascaanood