Home > TFG Somalia, WARARKA > Ra’iisal Wasaare Cabdiwali Oo u Ambabaxay Kenya

Ra’iisal Wasaare Cabdiwali Oo u Ambabaxay Kenya

Thursday, March 29, 2012

Muqdisho – Mar. 29 -Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiwali Maxamed Cali-gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya,halkaas oo uu kaga qayb galayo shir looga hadlayo arrimaha Road mapka,sida lagu sheegay warbaahinta Qaranka.
Shirkan oo Lix biloodle ah ayaa waxaa kaqayb galaya dawladaha daneeya arrimaha soomaaliya,waxaana soo qaban qaabiyay Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb. Mahiga,wuxuuna socon doonaa hal maalin sida warka lagu sheegay.