Home > WARARKA > Ra’iisal Wasaare Prof Cabdiwali Oo Kasoo Noqday Gaalkacyo

Ra’iisal Wasaare Prof Cabdiwali Oo Kasoo Noqday Gaalkacyo

Thursday, March 29, 2012

Muqdisho. Mar. 28 (Laaska News) Raiisal wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Prof. Cabdiwali Maxamed Cali-gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa kasoo noqday magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug halkaas oo uu kaga qayb galay aaska qaran ee loo sameeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cabdullaahi Yuusuf oo lagu aasay magaalada Gaalkacyo.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa intii uu halkaa kusugnaa kulamo la qaatay madaxda,masuuliyiinta iyo hormoodka Bulshada ee Maamulada Puntland iyo Galmudug, sida lagu sheegay warbaahinta gudaha.