Home > WARARKA > Shirka Jaamacadda Carabta Oo Muddo 20 Sano ah Ka Furmay Baqdaad

Shirka Jaamacadda Carabta Oo Muddo 20 Sano ah Ka Furmay Baqdaad

Thursday, March 29, 2012

Mar. 29, 2012 -Shirka Jaamacadda Carabta ayaa markii ugu horreysay muddo 20 sanno ah lagu qabtay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Shirkaa ayaa waxaa ka qayb galay 15 hogaamiye oo kamid ah 22 ka dal ee uu ka kooban yahay ururkaas,waxaana ka maqnaaday hogaamiyayaasha Jordan,Marooko,dawladaha Khaliijka marka lagareebo Kuweyt (Sacuudi,Imaaraat,Baxrayn,Qadar,Cumaan).

Arrimaha la filayay in lagu soo qaado shirkaa ayaa ka mid ahaa qalalaasaha Suuriya,waxaana muuqata inaan arrintaas aan laga gaari karin wax xal ah.
Wadamada shirkaa ka maqnaaday ayaa dhammaantood kasoo jeeda wadamo sunni ah oo khilaaf weyn uu ka dhaxeeyo hogaanka Suuriya ee shiicada ah.

Dhanka kale waddanka Ciraaq oo shirku ka dhacayo ayaa waxaa u badan shiicada.