Home > TFG Somalia, WARARKA > Madaxweynaha Soomaaliya Oo Khudbad Qiimo Leh Ka Jeediyey Shirka Jaamacadda Carabta Ee Ka Socda Baqdaad

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Khudbad Qiimo Leh Ka Jeediyey Shirka Jaamacadda Carabta Ee Ka Socda Baqdaad

Friday, March 30, 2012

Warka Dalka                                                                                                                                         TFG da

Mar. 29 -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa khudbad qiimo leh oo uu uga hadlay dhinacyo kala duwan oo dalka ah ka jeediyey shirka Madaxda Jaamacadda Carabta ee ka soconaya magaalada Baqdaad ee xarunta dalka Ciraaq.

Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ugu horeyn khudbadiisa ugu mahad celiyey madaxda dalalka Carabta gaar ahaan dalalkii kaalinta kulahaa gurmadkii deg degga ahaa ee loo fidiyey shacabka Soomaaliyeed xiligii ay jirtay Saameynta abaartii gobolka ku dhufatay waxaana uu ugu baaqay madaxda carabta iney sii laba jibaaraan dadaalkooda ay ku garab istaagayaan shacbiga Soomaaliyeed si nolosha shacabku ay ugu soo laabato sideedii hore.

Ammaanka

Mudane Shariif Sheekh Axmed oo dhinaca ammaanka dalka ka hadlayey ayaa tilmaamay in Dowladdu ku guuleysatay talaabooyin dhowr ah oo loo qaaday soo celinta amniga dalka talaabooyinkaasi oo ay ugu horeyso in gobollo dhowr ah oo ka tirsan koonfurta,bartamaha iyo sidoo kale Caasimadda laga xoreeyo Maleeshiyada Al-Qaeda waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in Dowladdu kahor howlgalladan wixii ka dambeeyey heshiiskii Jabuuti ay waqti badan ku bixisey wadahadallo lala gala Al-Shabaab laakiinse taasi ay kasoo horjeesteen talaabada ay hada Dowladdu qaadayna laga furan waayey si amni loo helo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo arrimaha ammaanka ka hadlayey ayaa dhanka kale tilmaamay in Dowladdu waqti farabadan ku bixisay dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida si loo helo Ciidammo awood u leh hanashada iyo sugida ammaanka, dadaaladaasina ay hada marayaan meel wanaagsan waxaana uu ku guubaabiyey dalalka Carabtu iney gacan ka geystaan sidii dib loogu sii dhisi lahaa Ciidammada Qalabka Sida.

“bilihii ugu dambeeyey Dowladdu waxay ku guuleysatay iney xoreyso dhul badan oo ka kala tirsan caasimadda,koonfurta iyo bartamaha dalka Alle Mahadii hada dalka intiisa badan wuxuu ku jiraa gacanta Dowladda waxyar ayaa inoo dhiman waxaanna qorshuhu yahay in iyana sida deegaannada hada xorta ah gacanta Dowladda lagusoo celiyo insha allah”ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Soo Celinta Dowladnimada

Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka hadlayey dadaallada la xiriira soo celinta Dowladnimada dalka ayaa tilmaamay in Dowladda hada jirta ay juhdi farabadan ku bixisay sidii gacanta Dowladda dib ay ugu soo laaban lahaayeen dhismayaashii Qaranka si loogu adeego shacabka maadaama dhismayaashaasi ay ahaayeen mudo 21 sano ah kuwo ay dad si sharci darro ah ku degenaayeen balse hada gacantii Dowladda lagusoo celiyey oo qaarkood uu iminkaba ku socdo dayactir si ay Hay’addaha Dowladdu shacabka ugu adeegaan.

Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya in Dowladda ay qorsheyneyso in adeegyadii guud sida Waxbarashada,Caafimaadka iyo adeegyada kale oo aanay nolosha aadanuhu ka maarmin sida korontada laga hirgeliyo deegaannada iyo gobollada dhowaan laga xoreeyey gacanta Maleeshiyada Al-Qaeda.

Siyaasadda

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in Dowladdu ku guuleysatay hirgelinta heshiisyo dhowr ah oo dhammaanba ku qotoma dhanka siyaasadda heshiisyadaasi oo ay ka mid yihiin heshiiskii kampala, hirgelinta road mapka,heshiisyo lagu saxiixay Garoowe iyo Muqdisho waxaana uu Madaxweynuhu xusay in heshiisyadaasi hirgelintooda ay marayaan xiligan meel wanaagsan.

Sidoo kale Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xusay in Dowladdu ay wado qorshe lagu wacyi gelinayo dhalinyaradii ay horey u qaldeen Al-Qaeda sida dhalinyaradaasi ay fursad ugu helaan iney dadkooda la noolaadaan kana qeybqaataan dib u dhiska iyo horumarka dalka.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in gudaha dalka uu hada ka socdo dib u dhis lexaad leh ayadoo shacabka Soomaaliyeedna ay kasoo kabanayaan burburkii dagaallada waxaana uu Madaxda dalalka Carabtu ku guubaabiyey iney ka qeybqaataan dib u dhiska dalka.

.

RM. (Codka J Soomaaliya)