Home > ALL DARWIISH NEWS, WARARKA > Dagaalo Ka Dhacay Duleedka Laascaanood, Iyo Sool Joogto, Deegaanka Buuhoodle – Part One

Dagaalo Ka Dhacay Duleedka Laascaanood, Iyo Sool Joogto, Deegaanka Buuhoodle – Part One

Sunday, April 1, 2012

Laaska News  Apr. 1,2012

Waxaa lagu soo waramaya in saaka  dagaalo ka qarxeen deegaano aad ugu dhaw Laascaanood kagana  beegan dhinaca Koonfurta  iyo  Sool Joogto oo ka tirsan  Buuhoodle .

Dagaalkan ayaa wuxuu dhex maray sida aan wararka ku helnay ciidamada Somaliland  iyo  Khaatumo,sidoo kalana ay warbaahinta ay ka sheegeen afhayeeno ukala hadlay.

.

Dagaalkan ayaa wuxuu geystay qadaare dhimasho iyo dhaawaxba leh ilaa haddana qolana ma hayso tiro sugan,wuxuuna ka dhacay deegaano kala duwan,waxaasr ugu xumaa laba meelood oo mrrlina yahay deegaanka Buuhoodle,halka meesha kalana ay tahay deegaanka Laascaanlld,gaar ahaan deegaan ballaaran oo laascaanood kaga beegan Koonfurta,dhulkaas oo u dhaxeeya magaalada Laascaanood iyo magaalada Kalabaydh.

.

Haddaba bal horta warka ay warbaahinta siiyeen dadka deegaanada ka ag dhawaa ama mas’uuliyiinta labada dhinac kasoo jeeda bal horta aynu fiirino intaa aynu helayno war sugan oo qolo walba ay istira koobayso,inkastoo aan filayo in maalin iyo labo  lagu ogaan doono xaqiiqda.

.

Wareysi ay BBC du la yeelatay qof la sheegay inuu Laascaanood ku sugnaa oo lagu magacaabo Maxamed Khaliif Nuur.

.

Maxamed sidee wax u dhaceen?

Saaka salaaddii subax 5:30 aroortii ayaa dagaal ka bilaambay meel la yiraahdo Buqsheenle oo aan ka fogayn magaalada Laascaanood iyo magaalo la yiraahdo Waqdari oo iyada naftigeedana aan ka fogeyn magaalada Laascaanood,labadaa meelood ayuu dagaal ku ka bilaabmay wuxuu socday mudd saacado ah qasaarihiisa iyo dhibtuu geystayna wax xaqiiq ah oo cad ma hayno,laakiin labada dhinacba waxay sheeganayaan guulo ay leeyihiin waxaan ka gaadhnay dagaalka.

.
Imminka dagaalkii ma joogsaday mise waa soconayaa?

.

“Haddeer dagaalku wuu joogasaday hadda dagaal soconaya ma jiro”.
.

“Meelo badan oo aan la xidhiidhay waxaa la ii sheegay in dhaawac jiro iyo dhimasho labadaba ay jiraan”.

.

“kolleyba dagaalkaasi qasaare ayuu leeyahay,waxaana laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala gadisan,wax layskula hadhay ma jiraan,gariirka magaalada oo aan joogay annigu aad iyo aad baa looga dareemayay”.

.

“labada dhinac waxay sheeganayaan in ay guulo ka gaareen”

.

“Walaal horta labada dhinacba waxay leeyihiin gaadiid baannu qabsanay,gaadiid baannu gubnay,laakiin waxa marka aad aragtid baad xaqiiqdiisa sheegi kartaa,laakiin labada dhinacba guulo ayay sheeganayaan oo ay lee yihiin dagaalka guulo ayaannu ka gaadhnay”.

.

Afhayeenka Ciidamada Soomaaliland Cismaan Cabdillaahi

.

Afhayeenka oo isna sidoo kale  ay BBC du  wareystay ayaa sheegay in dagaal culus uu ka dhacay lab aag wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay:

.

Saaka waabarigii ayay weerar kusoo qaadeen aagga Buuhoodle iyo Agga Sool ciidamada Qaranka ee deggan kooxda nabadiidka ah ee Khaatumo State la magac baxday halkaa waxaa ka dhacay dagaal culus oo qasaare badanna geystay”

.

“Cadawga waxaa laga qabtay dagaal gaadhi 4 tigniko ah iyo 5 xamuul ah,qasaare badanna waa loo geystay ilaa goobihii ay kasoo dagaal galeenna  baa la gaarsiiyay”

.

“45 tan Maxbuusna waa laga qabtay,45 kaa waxaa ku jira 3 sarkaal oo sare iyo nin sheegtay inuu yahay wasiir Khaatumo ah”.

.

Warku waa socdaa

Part Two