Home > 10001, TFG Somalia > Madaxweyne Shariif Oo Kulan La Qaatay Taliyayaasha Ciidamada Dawladda Iyo Kuwa AMISOM

Madaxweyne Shariif Oo Kulan La Qaatay Taliyayaasha Ciidamada Dawladda Iyo Kuwa AMISOM

Saturday, April 7, 2012

Laaska News

Muqdisho –  Apr.06 -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa maanta kulan kula qaatay kulliyaddii hore Ciidamada ee “Jaalle Siyaad” Taliyayaasha Ciidamada Dawladda iyo kuwa AMISOM,sida lagu sheegay warbaahinta xukuumadda.


.
.
Kulankan uu Madaxweyne Shariif la qaatay taliyayaasha Ciidamada ayaa waxaa ku weheliyay R/wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane X C Ciise  iyo Wasiirka Wasaaradda  Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mr. Cabdisamad Macalin.

.


.

.

Taliyayaasha kulankaa ka qayb qaatay ayaa la sheegay inay kala ahaayeen Taliyaha Ciidanka  X D iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya,halka dhinaca AMISOM na ay ahaayeen (Taliyayaasha Ciidamada Jabuuti,Buruundi iyo Ugaandha).

.

.

Kulamadan uu madaxweyne Shariif la qaatay taliyaayasha ciidamada Soomaaliya iyo kuwa midawga Afrika ayaa lagu sheegay inay la xidhiidho hawl gallo ay ciidamadu ka wadaan Muqdisho iyo gobolada dalka.

.

.

.

.

Photo: RM.

.

.

Maxamed Yuusuf .