Home > ALL LAASKA, Somaliland > Somaliland Oo sheegtay Inay Magacawday guddi Wadahadal La Galaya TFG da

Somaliland Oo sheegtay Inay Magacawday guddi Wadahadal La Galaya TFG da

Sunday, April 8, 2012

Laaska News  Apr. 8, 2012

Hargeysa – Wararka laga helaya magaalada Hargeysa ayaa kusoo waramaya in warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliland lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Silaanyo uu magacaabay guddi wadahadal la gala Soomaaliya.
.

Waxaa la sheegay inay arrintani daba joogto qodabadii kasoo baxay shirkii lagu qabtay London 23 kii Feb. gaar ahaan qodobka ka hadlaya wadahadalka xukuumadda KMG Somalia iyo Somaliland.

.
Guddigan oo ka kooban 5 Wasiir ayaa la sheegay inay yihiin guddi farsamo oo wada hadal la bilaabaya Dawladda KMG Soomaaliyada,kana qayb gali doona shir dhawaan ka dhacaya London,waxayna kala yihiin:

.
Wasiirka Arrimaha Dibadda
Wasiirka Arrimaha Gudaha
Wasiirka Hawlaha Guud
Wasiirka Beeraha
Wasiirka Caddaaladda

.
Waxaa la sheegay inay xubnahani ay dhiraandhirin doonaan qaban qaabada iyo qaabka wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland.
.
Si kastaba ha ahaatee waxaan kala caddayn waxa laga wada hadlayo,wadahadaladu inay horrey usocdeen iyo inay hadda bilaabanayaan,marka loo eego wararka ay mas’uuliyiinta labada dhinac ay siinayeen warbaahinta ka hor iyo kadib shirkii London.

.
Dhinaca kale marka loo eego xaaladda waddanku kusugan yahay waxaa labada dhinac ku adkaan doonta inay wax horumar ah oo midho dhal ah ay ka gaadhaan wadahadaladaa.

.

Ilkacase.
Hargeysa

.

Related Articles:

Somalilad oo Magacawday Guddi Cusub oo Wadahadalada TFG da – (June 14,2012)

Qodobada Shirka London