Home > TFG Somalia, WARARKA > Soomaaliya -Xildhibaandho Sheegay Inay Kulmeen Soona Saareen Waqtiga Laqabanayo Doorashada Madaxweynaha

Soomaaliya -Xildhibaandho Sheegay Inay Kulmeen Soona Saareen Waqtiga Laqabanayo Doorashada Madaxweynaha

Sunday, April 8, 2012

Laaska News 

Muqdisho – Apr. 7 -Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa kusoo waramaya in qaar kamid ah xildhibaanada Soomaaliya oo kulan ku yeeshay maanta magaalada Muqdisho ayna sheegeen inay soo saareen waqtiga laqabanayo doorashada madaxtinimada dalka.

.

Xildhibaanada oo ah xildhibaanadii horrey u sheegay inay xilka ka qaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan isla markaana ay doorteen Guddoomiye kale,arrintaas oo la kulantay diidanaan kaga timid Shariif Xasan & taageerayaashiisa,dawladda KMG, QM,wadamada Gobolka iyo Bulshada Caalmka intaba.
.

Afhayeen u hadlay xildhibaanadaa oo lagu magacaabo Ismaaciil Axmed Nuur oo la hadlay BBC da laanteeda afka soomaaliga ayaa sheegay “in Baarlamaanka Soomaaliya horrey ugo’aansaday in lasoo hor mariyo doorashada madaxweynaha oo laga dhigo 30 ka April”.

.
Waxa uu sheegay “in 28 kii Bishii Maarso la magacaabay guddiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha”.
.
Waxa uu raaciyaya isagoo hadalkiisa sii wata:

In maanta lasoo saaray jadwalka doorashada iyo musharaxiinta.

In musharaxiintana ay soo gud bisan karaan arjiyadooda musharaxnimo laga bilaabo 7 -21 da bisha.

In musharixiintu ay khudbadahooda jeedin karaan laga bilaabo 27 ka ila 29 ka bisha.

In 30 ka bisha April na ay dhacaysa doorashadii madaxweynaha.

BBC.

 

.
Laaska News.
.
http://www.laaska.wordpress.com

Advertisements