Home > ALL DARWIISH NEWS, Somaliland, WARARKA > Somaliland Oo Faahfaahin Ka Bixisay Guddiga Wadahadalada Somalia Iyo Somaliland

Somaliland Oo Faahfaahin Ka Bixisay Guddiga Wadahadalada Somalia Iyo Somaliland

Tuesday, April 10, 2012

Laaska News Apr. 10, 2012

Hargeysa. Apr.10 – (LN) -Afhayeenka madaxtooyada somaliland Cabdullaahi Maxamed Daahir “Cukuse”oo waraysi siiyay BBC da ayaa ka waramay guddiga uuu magacaabay madaxweynaha Somaliland Mr.Siilaanyo ee wadahadalada Xukuumadda KMG Soomaaliya iyo Somaliland.

.

.

Wareysigaas oo uu qaaday Axmed Saciid Cige ayaa afhayeenka waxaa la weydiiyay su’aalo badan oo loo baahnaa in shacabka Soomaaliyeed loo iftiimiyo wuxuu udhacay sida soo socota:

.
.
Mr. Cige oo weydiiyay Afhayeenka su’aal ah waxa ay shaqadoodu noqonayso guddiga uu magacaabay madaxweynaha Somaliland?

.
.
Afhayeenka: Guddigan waa 5 xubnood oo katirsan golaha wasiirada. Shantaa wasiir waxay yihiin guddi farsamo oo uu madaxweynahu isagoo fulinaya oo ku qanacsan inay waajib ku tahay inay fuliso qodobkii ka khusaynayay go’aanadii kasoobaxay shirkii lagu qabtay ingiriiska London dhawaan ee arrimaha Soomaalida lagaga hadlayay; qodabkii aynu aad udanayneynay ee ahaa “in soomaaliya iyo soomaaliland wada hadlaan”.
.

Maadaama aynu nahay dal iyo dawlad axdiga aynu galnay iyo go’aankaa aynu qaybta ka ahayn ee beesha caalamku oo dhan wada joogtay, madaxweynuhu isagoo ku qanacsan ayuu wuxuu qaatay qaraar ah inuu magacaabo guddi qabanqaabo,guddigaasi waa guddi farsamo.
Guddigaasi waxay tagayaan London haddii eebbe idmo waxaana laga wada hadli doonaa arrimihii farsamda iyo qaabkii wada hadalada loo gali lahaa,qaabka wadahadalka ayay soo diyaarinayaan.

.
.

Mr. Cige: Markaa guddigan shanta wasiir ka kooban waad arkaysay oo shalayto dad badan baa kahadlay xildhibaanno katirsan golaha wakiilada salaadiin,rag ciidanka horrey uga tirsanaa oo ka hadlaayay,haddaad fasirto markaa waxa laga wada hadlaayo maxay yihiin? xad mayeelanayaan mise waxaad leedahay waa la bilaabayaa marka horre?

.

.

AfhayeenkaWalaal waxaa weeeye innagu mawqif baynu taagan nahay qarnimadeenna iyo madaxbanaanideenna,waa geed ka go’an dal jidha beynnu nahay,dawlad jirta beynu nahay,waxaynu beesha caalamka oo soomaaliya kamid tahay uga baahan nahay aqoonsi.
.

“Inagu waa waddo aynu umarayno inaynu aqoonsi helno,wax iska badaley mawqifkeenana ma jirto”.
.

Mr. Cige: Markaa waxaad leedahay waxa laga wada hadlayaa sidii sidaad horreyba u odhan jirteen laba dal oo jaadh ah baannu noqonaynaa?

.
Afhayeenka: Sidii nabad loogu wada noolaan lahaa,darisnimo wanaagsan,wixii naga dhaxeeyayna aynu uqaybsan lahayn.

.

.
Mr. Cige: Cabdillaahi waxaan kalooo rabay inaan ku wydiiyo dad badani waxay ku leeyihiin dawladdan dhiikh sahariif dawladd KMG Soomaaliya qodobku waa tuu ahaa in lala hadlo ama dawladda kale ee timaada, haddaad eegto xitaa baarlamaanka soomaaliya shaleyto qaarkood waxay lahaayeen dee dawladdani waxba uma hadhin oo maxay kala hadashaa somaliland, bal taa kawaran?

.

.

Afhayeenka: Walaal inaga shirkaasi wuxuu ina faray in kolba sida ay suurta gal u tahay dawladda iminka joogta ama tan dambe inaynu wada hadalada la bilaabno, markaa markii si kasta loo rogrogay, gacan uur ku jirta war looma hayo,waxaa la go’aansaday oo ay talo ku wanaagsanaatay

inay iminkaba wixii suurtagal ah wada hadalada,farsamda imminkaba iska bilawno inagu”.

.
Inagu waxaynu doonaynaa “inay horrey wax inoogu dhamaadaan”.

.

BBC.

.

Warar  Kale:

.

Qodobada Shirka London

Shirka London iyo Warkiisa

 

.
Laaska News.
.
http://www.laaska.wordpress.com