Home > TFG Somalia > Ra’iisul Wasaaraha Dalka Oo Hambalyo Diiran U Diray Ciidammada XDS, Munaasabadda 12 Ka April

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Oo Hambalyo Diiran U Diray Ciidammada XDS, Munaasabadda 12 Ka April

Friday, April 13, 2012

Laaska News Apr. 13, 2012

Muqdisho. Apr.12 -Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa Hambalyo ku aadan sannad guurrada 52-aad ee ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed u diray Xoogga dalka, isagoo u rajeeyay in ay sannadaha soo socda dib u soo celiyaan awooddii Ciidammada Xoogga dalka.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdi Weli Maxamed Cali oo warbaahinta qaranka xafiiskiisa warreysi ku siiyay ayaa ugu horreyn Hambalyo diiran u diray guud ahaan ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, gaar ahaan Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Xaasaskooda.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Cabdi Weli ayaa xusay in ciidammada Xoogga dalka ay dalka iyo dadka u horseeddeen amni iyo guul, isagoo ugu Hambalyeeyay sida ay ugu heellan yihiin Difaaca iyo horreynta dalkooda.

“Ciidammada Xoogga dalka la mid ahan ciidammada kale, in kastoo aan ciidammadeenna kala Jecleen, haddana waa ciidammada ugu horreeya ee u taagan Difaaca dalka iyo illaalinta shafarta shacbaka Soomaaliyeed, ayuu yiri Ra’iisul wasaare dalka.

Dhinaca kale Ra’iisul Xuukuumadda ayaa carrab ku adkeeyay in lagu dadaalli doono Tayenta ciidammada Xoogga dalka iyo guud ahaan ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, isagoo sheegay in ay ummaddooda ugu adeeggaan xaalad adag, isla markaana ay waqti walba diyaar u yihiin in ay Naftooda u hurraan dalkooda Difaaciisa.

Ugu dambeyntii mudane Cabdi Weli Maxamed Cali ayaa Ciidammada Xoogga dalka u rajeeyay in sannadkan sannadkiisa ay ku gaaraan Horumar iyo nabad, isagoo Alla uga baqyay in uu garsiiyo kaalintii ciidannimo ee ay adduunka uga jireen.

by Feysal

.

RM.

.
Laaska News.
.
http://www.laaska.wordpress.com