Home > ALL DARWIISH NEWS, ALL LAASKA, TFG Somalia, WARARKA > Soomaaliya -Madaxweyne Shariif Oo Magacaabay Guddiga TFG da Ee Wada Hadalada TFG VS Somaliland

Soomaaliya -Madaxweyne Shariif Oo Magacaabay Guddiga TFG da Ee Wada Hadalada TFG VS Somaliland

Saturday, April 14, 2012

Laaska News  Apr. 14, 2012

Muqdisho, Apr.14,2012 (LN) – Wararka naga soo gaadhaya caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa kusoo waramaya in Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu maanta ku dhawaaqay guddi ka kooban todoba xubnood oo xukuumadda KMG Soomaaliya uga qayb gali doona wadahadalada lagu wado inay dhexmaraan TFG da iyo Somaliland.

.
Madaxweyne Shariif ayaa ku dhawaaqay guddigan xilli uu kusii jeedo kusii jeeday magaalada Addis Ababa, intuusan ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee Muqdisho sida lagu sheegay warbaahinta.
.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in guddiga Xukuumadda KMG Soomaaliya uga qayb galaya wada hadalka ay yihiin guddi heer Wasiiro ah uuna hogaamin doono Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdisamad Macalin Maxamuud Shiikh Xasan Faarax.

.
Guddigan ayaa ka qayb gali doonaan shir lagu wado inuu ka dhaco magaalada London oo ay halkaa kulan wadahadalo ah kula yeelan doonaan guddi uu dhawaan magacaabay madaxweynaha Soomaaliland Mr.Silanyo.
.

Warar horo dhac ah ayaa sheegaya in xubnaha guddigan ay kamid yihiin:

Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda.
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Wasiirka Maaliyadda.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud.

.

Wadahadalada dhex mari doona xukuumadda TFG da iyo Somaliland ayaa daba jooga shirkii London,mana jirto cid jawaab kabixisay su’aalo ay in badan oo Soomaali ah is weydiinayaan oo ah :

.

Waxa ay  yihiin wadahaadalaasi? Maxaa laga wada hadlayaa?

.

Related Article:

.

Warka La Xidhiidha Shirka London