Home > ALL LAASKA, TFG Somalia, WARARKA > Warsaxaafadeed – Magacaabidda Guddiga Wadahadalada Somaliland

Warsaxaafadeed – Magacaabidda Guddiga Wadahadalada Somaliland

Saturday, April 14, 2012

Laaska News Apr. 14, 2012                                     Warka TFG da.

(Muqdisho, April 14, 2012) Madaxwaynaha dowlada federaalka ku-meelgaarka ee Soomaaliya, mudane Shariif Shiekh Axmed, ayaa maanta ku dhawaaqay gudi ka kooban todobo xubnood oo horkici doona qorshaha wada-hadalka lala geli doono maamulka Somaliland taas oo lagu hormarin doono wada-hadalka isku-soo-dhawaanshaha ee lagu ayiday shirkii London ee bishii February.

Ku-dhawaaqida gudigan ayaa ah arin muujineysa in dowladda ay ka go’an tahay dhameystirka natiijadii kasoo baxday shirkii London.

Madaxweynaha ayaa sheegay in gudiga uu horumuud ka yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, mudane Cabdisamad Macalin Maxamuud, kuwaas oo wada-xaajood la geli doona gudiga ka socda Somaliland ee dhawaan uu magacaabay hogaamiyaha Somaliland, mudane Axmed Maxamed Maxamud, “Siilaanyo.”

Gudiyadda ayaa loo qorsheeyay in ay ku kulmaan magaalada London in kasta oo aan la cayimin taariikhda ay kulmi doonaan.

Sameynta gudiyadan ayaa caawin doonta dadaalka loogu jiro in wada-hadal toos la qabto kaas oo lagu xalin doono arrimo qaran, isla markaana xaqiijin doona in wax laga badalo marxalada ay ku jiraan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ayaa ka hadlay kalsoonidiisa iyo in wada-hadalka uu yahay wadada horumarka, taas oo abuuri karta jawi wanaagsan.

Sagaalkii bishan April, madaxweynaha wuxuu cadeeyay in hadafka dowlada ku-meelgaar uu yahay “in wada-hadal lala furo walaalaheen Somaliland” iyadoo uu sheegay in dadaalka arintaas uu haatan socdo.

Isagoo meel fagaare ah kala hadlaya dad badan oo ku sugan degmada Warta Nabadda, ayuu madaxweynaha yiri “…wixii la kala tabanayo in wadahadal lagu dhammeeyo ayaan rajaynayaa.”

.

Dhamaad

.

RM.