Home > WARARKA > Garbaharrey – Qaraxyo Geystay Dhimasho,Dhaawac

Garbaharrey – Qaraxyo Geystay Dhimasho,Dhaawac

Sunday, April 15, 2012

Laaska News  Apr. 15, 2012

Wararka laga helayo magaalo madaxda Gobolka Gedo ee Garbaharray ayaa kusoo waramaya in qaraxyo ka dhacay magaalada ay geysteen qasaare dhimasho iyo dhaawac ba leh,sida lagu sheegay warbaahin kala duwan oo soo xiganaya ilo kala duwan.
.
Laanta af-soomaaliga ee BBC da oo soo xiganaysa saraakiil dawladda KMG Soomaaliya ah oo halkaa ku sugan iyo dadka deegaanka ayaa sheegtay in 4 qarax oo xooggan,oo haddana isxiga ay ka dhaceen badhtamaha magaalada Garbaharay,lana sheegayo inay ku dhinteen 3 qof,kuna dhaawacmeen ku dhawaad 10 qof,iyadoo 4 kamid ah dhaawacaasi ay ku jiraan xaald adag.

.

.
Qaraxyadan oo saraakiisha deegaankaa kusugan ku tilmaameen miino dhulka lagu aasay ayaa waxay gilgileen badhtamaha magaalada.
Qaraxa 1aad uu ka dhacay goob makhaayad ah oo laga shaahayay, iyadoo 3 kale oo is dabaxiga ay aagaasi ka dhaceen gaar ahaan suuqa dharka lagu iibiyo ee magaaladaasi,sidaana waxaa sheegay war laliye Mr.Dhore.

.
Waxa kale oo uu raaciyay in xildhibaan maxamuud Sayid Adan oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo kusugan magaalada Garbaharay uu u sheegay BBC da in weerarkaasi ahaa mid argagaxiso,isla markaana ay gacanta kusoo dhigeen dhawr qof oo ay tuhmayaan.
.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in qasaaraha rasmiga ah aan si fiican loo ogeyn iyo cid mas’uuliyadeeda sheegatay iyadoo ay magaaladaasi ay gacanta ku hayaan ciidamada dawladda.

.

BBC