Home > ALL LAASKA, TFG Somalia, WARARKA > Siilaanyo Oo Sheegay Kalsooni “Danta Iyo Madax Banaanidu Ay Ku Jirto” Wadahadalka TFG v Somaliland

Siilaanyo Oo Sheegay Kalsooni “Danta Iyo Madax Banaanidu Ay Ku Jirto” Wadahadalka TFG v Somaliland

Sunday, April 15, 2012

Laaska News  Apr. 15, 2012

Hargeysa. Apr.14. (LN)-Madaxweynaha somaliland Mr. Axmed Silanyo oo hadal ka jeediyay shirka golaha dhexe ee xisbiga talada haya ee Kulmiye uga furmay maanta oo bishu tahay 14 ka April qaybta shirarka ee Hotel Mansuur ayaa arrimaha uu ka hadlay waxaa kamid ahaa qorshaha xukuumadiisa ee ku aadan wadahadalka xukuumadda KMG Soomaaliya iyo Somaliland lagu wado inay yeeshaan.

.
Mr. Siilaanyo oo faahfaahin kabixiyay wadahadaladaa ayaa waxa uu sheegay inuu kalsooni ku qabo inay danta Somaliland iyo madax banaanideedu ay ku jiraan (wadahadalada TFG Somalia & Somaliland).

.
Mr.Silanyo waxa uu xusay in wadahadalada ay dunidu ku baaqday,ayna dhinacooda fulinayaan go’aanka shirka London,uuna magacaabay guddi 5 wasiir ah oo tagaya London kana qayb qaadanaya wadahadalo horu dhac ah oo gogol xaadh ah iyo diyaarinta qaabka wadahadalka.
.
.

Waxaana hadaladiisa kamid ahaa:
.

“Anigoo ku kalsoon ‘inay danteenna iyo madax banaanideenu ku jiraan’ isla markaana dhinaceenna fulinayna go’aanka shirka London,waxaan magacaabay shan wasiir oo London u tagaya gogol xaadhka iyo diyaarinta qaabka wadahadalka,kuwaas oo horu dhac u ah,sida aynu uga midho dhalin lahayn wadahadalkii ay dunido inoogu baaqday.

.
Waxaa ii qorshaysan inaan soo saarno guddi heer qaran ah oo diyaarisa istiraajiyadda wadahadalka iyo qorsho lagu midaysan yahay marka ay ku haboonaato.
.
Waxaynu ku guulaysan karnaa marxaladanna uga gudbi karnaa midnimo iyo isku duubni”.

.
Hadalka silaanyo ayaa waxa uu kusoo aaday iyadoo uu Madaxweynaha Soomaaliya Mr.Sharif oo socdaal ku tagay maanta magaalada Addis-Ababa uu intuusan ka dhoofin garoonka Muqdisho ku dhawaaqay guddi 5 xubnood ah oo heer wasiir ah,uuna madax u yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka Mr. Cabdisamad Macalin Maxamuud, guddigaas oo xukuumadda KMG Soomaaliya uga qayb galaya wadahadalka TFG da & Somaliland.

.

Dhinaca kale waxa uu sheegay Mr. Cabdisamad  oo hogaamin doona Guddiga TFG da  ee wadahadalada oo la hadlay warbaahinta inaysan wali jirin meel la cayimay oo uu ka dhici doono wadahadalku,halka Somaliland ay iyadu meel dhigatay London.

.

Waxase uu sheegay in durba ay bilawdeen  qaabkii loo xiriiri lahaa ama xiriir.

.

Si kastaba ha ahaatee,waxaan wali caddeyn cidda wadahadalada ay kasocdaan,cidda xidhiidhinaysa,ujeedada rasmiga ah ee wadahadalka, waxa waqtigan loogu beegay.

.

Waxaas oo dhan iyo waxyaale kale waxaa loo fahmi doona waqtiyada innagu soo food leh.

.

Ciise Adan & Guleed

.

.
Laaska News.
.
http://www.laaska.wordpress.com

.

War Kale:

.

Warsaxaafadeed – Magacaabidda Guddiga Wadahadalada Somaliland