Home > PUNTLAND, WARARKA > Somalia – Dastuur Cusub Oo Ergooyin U Ansaxiyeen Puntland

Somalia – Dastuur Cusub Oo Ergooyin U Ansaxiyeen Puntland

Wednesday, April 18, 2012

Laaska News Apr. 18, 2012

Garowe – Apr.18.Wararka ka imanaya magaalada xarunta u ah Puntland ee Garowe ayaa ku waramaya in maanta lagu ansixiyay dastuur cusub oo uu yeelanayo Maamulka Puntland,kadib markii ergooyin laga soo xulay deegaanka PL oo maalmahan shir uga socday Garowe, kagana doodeen qodobada uu ka kooban yahay dastuurka cusub ee lagu hagi doono dawladda PL.kadibna ay ergooyinkaasi ay maanta u codeeyeen dastuurka.
.
Dastuurka cusub ee la ansaxiyay ayaa sida la sheegay ka kooban 141 qodob iyo 2 lifaaq.

.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Puntland Dr. Maxamed Xasan Barre oo ku dhawaaqay natiijada codaynta ayaa sheegay in 478 Ergey ay codeeyeen ayna 472 Ergey ay u codeeyeen haa,halka 6na diideen,2 na ay ka maqnaayeen, taasoo tirada ergada guud ka dhigaysa 480 Ergay.
.

Madasha lagu ansixiyay dastuurkan ayaa la sheegay inay kasoo qayb galeen wakiilo kasocda AU,EU.
.

Dhinaca Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa waxaa munaasabadda ka qayb galay wafdi uu hogaaminayo Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha Mr. Cabiwahaab Ugaas Khaliif.

.

Cagmadhige.

.
Laaska News.
.
http://www.laaska.wordpress.com