Home > ALL DARWIISH NEWS, ALL LAASKA, PUNTLAND > Da’ud Bisinle Oo Jawaab Kabixiyay Hadalkii Badheedhka Ahaa Ee Prof. Galaydh Ee Guddiyada Wadahadalka TFG Iyo SL

Da’ud Bisinle Oo Jawaab Kabixiyay Hadalkii Badheedhka Ahaa Ee Prof. Galaydh Ee Guddiyada Wadahadalka TFG Iyo SL

Wednesday, April 18, 2012

Laaska News Apr. 18, 2012
Apr.17 (LN) -Wasiirka Qorshaynta Puntland Da’uud Maxamed Cumar (Da’uud Bisinle) oo wareysi siiyay laanta sf-Soomaaliga ah ee idaacadda BBCda ayaa jawaab ka bixiyay hadal dhawaan kasoo yeedhay Prof. Cali Khaliif Galeydh mar uu dhawaan idaacadda BBC da wareysi siiyay oo uu kaga hadlay guddiyay ay magacaabeen xukuumadda KMG Soomaaliya iyo Somaliland ee uga qayb galaya wadahadalada laguwado inay dhex maraan dhawaan dawladda KMG Soomaaliya iyo Somaliland.

.
Wasiirka qorshaynta Puntland Da’uud Maxamed Cumar oo kasoo jeeda Gobolka Sool, haddana kusugan magaalada Nayroobi ee waddanka Kenya ayaa si cad uga hadlay arrimo uu ka qoonsaday hadaladii Prof Cali Khaliif ee uu kaga hadlay guddiyada iyo cidda leh inay wadahadlaan, meesha ay kasoogashay Puntland wadahadalada iyo inaanay matali karin xubnaha beesha kaga jira labada guddi (Akhri: Wareysiga Cali Khaliif).

.
Mr. Cali oo hormuud ka ah maamulka Khaatuno ayaa qaba cidda gobolada SSC wadahadal ugali karta ama matali kartaa inay tahay khaatumo iyo cid maamulkeedu raali kayahay ee aanay matali karin labad xubnood ee ay kala magacaabeen Somaliland iyo Xukuumadda KMG Soomaaliya oo ay hoosta kaga naban tahay Puntland.

.
Waxaase xusid mudan in khaladku kasocda xukuumadda KMG Soomaaliya ayna abuurtay lagana shaqeeyay waxyaalo keeni kara isku dhacyo beeleed!! Puntland na ay dabka ugu weyn ay leedahay marka loo eego isku aadka kooxaha!! waxaana muuqata wadahadalada lagu wado inay dhexmaraan Somaliland iyo xukuumadda Soomaaliya in ay 80% ay fashilaad yihiin,mana dhacayso inay Somaliland ay gorgortan lagasho Puntland!!
.
.

Mr. Da’uud oo aan filayo inuu kamid yahay xubnaha guddiga ee dhinaca Puntland oo si aad ah u qoonsaday hadaladii ayaa hadaladiisii waxaa kamid ahaa:

.
.
Waxaanka hadlayaa waxaa weeye wareysi uu bixiyay Prof. Cali Khaliif Galeydh sida uu udhigay hadalka oo ahayd cidda loo xilsaaray inaanay matali beelaha,matalina karin,waxaan dhihi lahaa marka anigu maqabo anigu cidaan matali karin inay jirto,cidkasta oo masuul ah oo dareensan xaaladda ay kusugan yihiin goboladaasi oo dareensan bulshadaasi inay ubaahan tahay badbaadin iyo wax kaqabad oo dareensan in horrey loo dhigo inay matali karto.

.

.
Haddii aan dhihi lahaa cidi ma matali karto waxaanba odham lahaa waxaan matali karin “ciddii xil horrey u qabatay” oo aan dhaadin, oo aan waxba kaqaban, oo waxay gobolka ku kordhisay aanay jirin,oo aanay dhibaatadu taabanayn.

.

.
Yaad ula jeeddaa cidii xil horrey uqabatay oo aan waxba soo kordhin haddaad hoos u dhigtaa?

.

.
Waxaan u jeedaa kuma haboonayn Profossoreka isagoo gaadhay xubnaha Soomaali ugu sarreeya xagga siyaasadda maanta inuu beel isagoo ku gorgortamaya, midnimadii Soomaaliya iyo shirarka horrey loo wado iyo dadka lays fahansiinayo uu khilaaf ka keeno,midda aan ula jeedo qodobkaa weeye.

.

.
Laakiin wasiir haddii cali Khaliif uu sheegay in Puntland aanay waxba ka galin arrinta laga hadlayo oo isagii ama dhinaca uu matalo kamudnaa xuduud ahaanna xiga Somaaliland na laga qadiyay, dood noocaas oo kale ah miyaanay ahayn mid uqalanta inuu kahadlo oo meel mar ah?.

.

.
Waxaa muhiim ah in la fahmo waxa wadahadalku yahay,lagama hadlayo Sool iyo Sanaag.
Waa suuragal,inay ku jiri karto,weysoo dhex gali karaan laakiin waxa laga hadlayaa waa Soomaalida iyo isku soo celinteeda,waa midayntii Soomaalida,waa is fahankii Soomaalida ee maaha wax gobol kaliya khuseeya ama meel kaliya khuseeya,hadduu wax laga hadlayo ay soo galaana maaha wax ugaar ah Professoreka haddii aanan aniga kujirin meesha sax maaha!haddii aan ku jirana waa sax! waxaan is leeyahay waa dariiqyadii warlord yada oo waliba daahsan oo xilligoodii ka daahsan oo aad moodid xilli dadku isku ururayo oo leysku geynayo inay soo baxeen!

.

.
Wasiir doodaha ama aragtida lasoo jeediyay waxaa kamid ah inaanay meeshaba ku jirin in Puntland meeshaba soo gasho markii horreba oo adiga iyo dadka kula mid ah oo Puntland matalaya oo ayba khalad tahay markii horreba in shirkan aad ka qayb gashaan amaba doodan aad soo gashaan?

.

.

Puntland yay tahay! Puntland waa qaybaha federaalka qayb ka mid ah.

.
Guddiganna haku yimaadeen doorasho,Puntland haku timaado magacyo,laakiin cidda magacawday waa dawladda federaalka ah weeye waxaa muhiim ah marka xusidna mudan dadka haddeer ama ciddii ka hadashay onay iyagu galaan oo booska ka hadlaan,waxaa muhiim ah inay fahmaan in siyaasadda Soomaali qaadatay wixii hagaaga taageeristiisa inay fahmaan in la dhaafay haddii aanay anigu ku jirin sharci maaha,inay fahmaan in dadku dib isugu noqonayo soomaalida sidii laysugu geyn lahaa ………………….

.
Guuleed.

.
Laaska News.
.
http://www.laaska.wordpress.com