Home > ALL LAASKA, SOMALI NEWS, Somaliland > Somaliland Kama Qayb Galayso Wadahadalka TFG da Haddii Aan Wax Laga Badalin——- FM

Somaliland Kama Qayb Galayso Wadahadalka TFG da Haddii Aan Wax Laga Badalin——- FM

Thursday, April 19, 2012

Hargeysa April 19 (LN) — Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ka hadlay wadahadalada lagu waday inay yeeshaan xukuumadda KMG Somaaliya iyo Somalilandoo ayaa sheegay inaanay xukuumadda Somaliland aanay haqayb galayn wadahadalada haddii aan laga saarin waxyaalaha carqaladaynaya wadahadalada.

.
Wasiirka oo warysi siiyay laanta af-soomaaliga ee BBC da isagoo kusugan magaalada Hargeysa lagana baahiyay idaacadda ayaa waxa uu sheegay inaanay somaliland ka qayb galeyn wadahadalada haddii aan shiikh Shariif wax kabadalin qaabka uu u dhigay wadahadalka.

.
“Qaabka uu shiikh Shariif iminka usoo dhigay waa qaab carqaladaynaya” ilaa taa laga qaadana Somaliland kama qayb galayso qaabka uu iminka usoo dhigay! ayuu yidhi,wuxuuna  raaciyay:

 

Horta marka hore arrintu waxay ahayd labada, dawladda somaliland iyo dawladda TFG da inay guddiyo 5 xubnood ah oo katirsan golayaashooda wasiirada in la magacaabo.

Somaliland waa magacawday, madaxweynaha TFG da ee shiikh Shariifna isna markii hore wuxuu magaaabay shan wasiir.

Waxaan markaa bilawnay diyaar garowgii wadahadalkaasi hase yeeshee waxaa kaloo soo baxday inuu ku soo kordhiyay laba wasiir oo kale oo laba xubnood oo ka tirsan gobolka PL.
.

Arrimahaasina runtii waa arrimo aan waa faqsanayn is fahankii aasaaskaba u ahaa wadahadalka annagoo ixtiraamayna maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya hadday tahy PL iyo hadday tahay Galmudug iyo hadday tahay kuwo kalaba.
.
.
Hase yeeshee wadahadaladani waxay ahaayeen oo aasaas u ahaa inay wada hadlaan dawladda soomaaliland iyo maamulka TFG da ee hadda ka jira Soomaaliya ama wixii kale ee kadambeeya ee la filayo inay yimaadaan bisha sideedaad ee sanadka wixii kadambeeya.

.

Laakiin maamulka PL waa sida aad u sheegayso waa dawlad goboleed ka tirsan dawladda KMG Soomaaliya hadday kusoodaraan maxaa ku jaban,maxaad diidan tihiin labadaa xubnood baa sheegaya inay Somaliland kasoo jeedaan?.

.
.
Waa marka ugu horreysee arrintu waxay ahayd arrintu inay ku koobnaato Golaha Wasiirada ee maamulka TFG da iyo ka somaliland.
Waxase ka muuqata iminka xubno kale oo kasoojeeda maamul gobolreedyada kale ee Soomaaliya inay kasoo qayb galeen,waliba khaasatan xubno aannu u aragno inay dhaqan ahaan kasoo jeedaan Somaliland.

Arrimahaas waxaannu u aragnaa arrino carqaladaynaya isbiiradkii laga lahaa wadahadaladan iyo nuxurkii la doonayay inay arrimahani u dhacaan.
Arrimo lagu carqaladaynayo ayaannu u aragnaa.

Waxaannu ugu baaqaynaa madaxweyne Sh. Shariif oo aarrintan aannu uarkayno inuu isagu gadhwadeen ka yahay,marka laga hadlayo xubnaha matalaya dawladda TFG da ee uu madaxda ka yahay inuu arrintaasi ka fiirsado.

.
.
Somaliland kama qayb galayso wadahadalo dhexmara labada geesood haddaan Shiikh Shariif wax kabadalin qaabka uu usoo dhigay guddigiisa.

.
.

Markaa mawaxaad leedahay Somaliland kama qayb gakayso wadahalo kasta oo ay ka muuqdaan dawladda kMG ah xubnaheeda ama maamul goboleedyada sida ay doonaanba ha noqdeene oo Beelaha Soomaaliland lagu soo daro oo markaa la sheego inay ka tirsan yihiin dawladda KMG ah Soomaaliya?
.

.
Labada geesood ee wada halayaa waxaa weeye Somaliland iyo Soomaaliya,sidii dalkani ahaa intaan laysku biirin 1dii bishii Juuly 1960 kii.

.
Somaliland waxay danaynaysaa oo ay jeceshahay sidii beesha caalamku ay ku baaqday inay wadahadlaan somaliland iyo somalia oo ay ka hdlaan arrimo farabadan oo ka dhaxeeya,ka hadlaan sidii mustaqbalkooda siyaasadeed noqon lahaa.
.
Hase yeeshee maaha dad dhulkayaga kamid ah inay umagacawdo inay kasoo qayb galaan oo ay wada hadlaan oo ay darafka kale ay soo fariistaan.
.
Arrimahaasi waxay u muuqdaan arrimo aan laga wada hadlayn.

.
Qaddiyadii siyaasiga ahayd iyo madaxbanaanidii iyo wixii ay somaliland ay ka doonaysay wadahadaladaasi inay kusoo qaado, oo aad mooddo inay ugu talagaleen inay hadheeyeen arrimo kale oo noo gaar ah,oo Soomaaliland ugaar ah.

.

Markaa waxaad leedahay tagi mayno ilaa labada xubnood ee PL kasoojeeda laga saaro wadahadalada?

…………
.
Somaliland kama qayb galayso sida uu sh Shariif hadda usoo dhigay.

.

Related:

.

Da’ud Bisinle Oo Jawaab Kabixiyay Hadalkii Badheedhka Ahaa Ee Prof. Galaydh Ee Guddiyada Wadahadalka TFG Iyo SL

.

Caliyaw (Galeydh) Maxaad Qoonsatay? – Waraysi Xasaasi ah

.

Siilaanyo Oo Sheegay Kalsooni “Danta Iyo Madax Banaanidu Ay Ku Jirto” Wadahadalka TFG v Somaliland

.

Dawladda Soomaaliya Tafsiir Haka Bixiso Qodobada Shirka London

.

Shirka London Oo Lasoo Gabagabeeyay – Qodabadii

.

Warka La Xidhiidha Shirka London: