Home > TFG Somalia, WARARKA > Somalia – Magacaabid Wasiir – Wareegto

Somalia – Magacaabid Wasiir – Wareegto

Friday, April 20, 2012


Muqdisho, April 20 – Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed Maxamuud ayaa lagu sheegay  “magaacaabid  Wasiir”  oo ah Wasiirka Cusub ee  Wasaaradda Arrimaha Bulshada,Shaqada,Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Cayaaraha sidaana waxaa lagu sheegay shabakadda RM ee codka J S ee ay leedahay Wasaaradda Warfaafinta.

.
Waxayna wareegtadaasi u qornayd Sidan:

.

.

XEER MADAXWEYNAHA j.s. Lr.125,taariikh 19/04/2012

.

Magacaabid Wasiir.

.

Markuu arkay: Qodobka 39aad, Farqadda 2aad, Qodobka 44aad Farqadda 1aad, Xafarka”e” Axdiga KMG ah ee J.s.

Makuu arkay: Qodobka 78aad, Farqadda 4aad ee Dastuurka 1960kii.

Makuu Tixgeliyey: Soo Jeedinta Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG ee Soomaaliya ee ku sumadeysan XRW/481.04.12 taariikh 18 April 2012.

Markuu garwaaqsaday: In Jagada Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Isboortiga Banaanaatay ayna waajib tahay in la buuxiyo si ay dani ugu jirto maslaxadda umadda Soomaaliyeed.

.

Wuxuu Soo Saaray Xeerkan Soo Socda:

.

Qodobka 1aad.

.

Laga billaabo marka uu Madaxweynuhu saxiixo Dekreetadan waxaa Mudane Maxamuud Jirde Xuseen loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Xukuumadda Federaalka KMG ah.
.

Wareegtadana waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed.

.

END

.

Related:

.

Xil Ka Qaadis Wasiir – Wareegto

Liiska Golaha Wasiirada