Home > Faallo, WARARKA > Somaliland iyo TFG du Goormay Soomaali U Sharxayaan Waxa Wada Hadalku Yahay?

Somaliland iyo TFG du Goormay Soomaali U Sharxayaan Waxa Wada Hadalku Yahay?

Friday, April 20, 2012

Laaska News Apr.20, 2012

Wadahadalka lagaga baaqay shirkii London inay yeeshaan xukuumadda KMG Soomaaliya iyo Somaliland waa arrin aysan umadda Soomaaliyeed meel ay joogaanba aysan garan walina aysan helin cid si rasmi ah uga bixisa sharaxaad ay dadku ku qancaan,waxaase isweydiin leh labada war ee lakala haysto ee Hargeysa iyo Xamar kala yaal kee run ah?
.
Maxayse tahay Ujeedada qarsoon ee laqarinayo ee ka dambeysa wadahadalada?
.
Yaase Keeni kara Israac ama Kala go’?

.
Waxaa warbaahinta laga maqlay in Somaliland ay sheegtay inaysan wadahadalka ka qayb qaadanayn haddii aan laga joojin waxyaalaha carqaladda ku ah oo ay masuuliyadeeda ay saareen madaxweyne Shiikh Shariif,waxayna carabka ku dhufteen inay ka boodsan yihiin laba xubnood oo TFG du ku soo dartay oo ka tirsan maamulka Puntland oo ay sheegeen inay kasoo jeedaan Waqooyi.
.
Waxay xuseen in loo wadahadlayo Waqooyi iyo Koonfur oo lakala yahay sidii wixii ka horreeeyay 1dii July 1960 kii.

.
Waxaad ogaataan haddii aydin runta ka sheegin wadahadalada inaydin wax dan ah u ahayn shacabkiina ee aad waddaan dan kale oo ayna ku dhammaan doonto fashilaad.
.

Warkana la heli doono maalintaad isqabataan.

.

Haddana waxaa durba soo baxaya iftiin ka qarsoonaa shacabka soomaaliyeed marka loo eego wareysigan uu bixiyay Wasiirka Arrimaha dibadda ee Somaliland Dr. Mxamed Cabdullaahi Cumar oo wareysi siiyay laanta af soomaaliga ee BBC da  ayaa waxaa  hadaladiisa ka mid ahaa:

.

Labada geesood ee wada hadlayaa waxaa weeye Somaliland iyo Soomaaliya,sidii dalkani ahaa intaan laysku biirin 1dii bishii Juuly 1960 kii.

.
Somaliland waxay danaynaysaa oo ay jeceshahay sidii beesha caalamku ay ku baaqday inay wadahadlaan somaliland iyo somalia oo ay ka hdlaan arrimo farabadan oo ka dhaxeeya,ka hadlaan sidii mustaqbalkooda siyaasadeed noqon lahaa.
.
Hase yeeshee maaha dad dhulkayaga kamid ah inay umagacawdo inay kasoo qayb galaan oo ay wada hadlaan oo ay darafka kale ay soo fariistaan.
.
Arrimahaasi waxay u muuqdaan arrimo aan laga wada hadlayn.

.
Qaddiyadii siyaasiga ahayd iyo madaxbanaanidii iyo wixii ay somaliland ay ka doonaysay wadahadaladaasi inay kusoo qaado, oo aad mooddo inay ugu talagaleen inay hadheeyeen arrimo kale oo noo gaar ah,oo Soomaaliland ugaar ah.

 .

Somaliland Kama Qayb Galayso Wadahadalka TFG da Haddii Aan Wax Laga Badalin——- FM

Siilaanyo Oo Sheegay Kalsooni “Danta Iyo Madax Banaanidu Ay Ku Jirto” Wadahadalka TFG v Somaliland

.

Dawladda Soomaaliya Tafsiir Haka Bixiso Qodobada Shirka London

.

Shirka London Oo Lasoo Gabagabeeyay – Qodabadii

.

Warka La Xidhiidha Shirka London: