Home > TFG Somalia, WARARKA > Xil Ka Qaadis Wasiir – Wareegto

Xil Ka Qaadis Wasiir – Wareegto

Friday, April 20, 2012

Muqdisho, April 20 – Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed Maxamuud ayaa lagu sheegay in xil ka qaadis lagu sameeyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Bulshada, Shaqada,Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Cayaaraha sidaana waxaa lagu sheegay shabakadda RM ee codka J S ee ay leedahay Wasaaradda Warfaafinta.
.
Waxayna wareegtadaasi u qornayd Sidan:

.

XEER MADAXWEYNAHA J.S.  Lr.124. taariikh 19/04/2012

.

Xil Ka Qaadis Wasiir.

Markuu arkay:– Qodobka 44aad,xubintiisa 3aad ee Axdiga kumeel gaarka ah.
.

Makuu arkay:- Qodobka 2aad ee Sharci Lam. 14 ee 3dii Juun 1962kii iyo wax ka bedelkii ka dambeeyey Nidaamka Dowladda (Ordinamento del Governo).

.

Makuu tixgeliyey:- Soo Jeedintii Raisulwasaaraha, Sumad XRW/481.04.12 kuna taariikheysan 18ka April 2012, oo ku saabsaneyd xil gudasho la’aanta Wasiirka WasaaraddaShaqada, Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Sboortiga.

.

Asagoo Aqoonsaday:– In ay waajib tahay in shaqada Qaran loo guto si hufnaan,amaanno iyo karti ku Dheehanyihiin.

.

Wuxuu soo sarayaa Xeerkaan:
.

Qodobka 1aad.

Waxaa xilkii Wasiirnimo ee uu hayey laga qaaday: Mudane Maxamed Muxiyidiin Sheekh Mursal oo ahaa Wasiirkii Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Isboortiga.

Waxaana Wareegtadan ku saxiixan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed.

END.

.

Related:

Liiska Golaha Wasiirada