Home > WARARKA > Bakistaan Oo Gantaal Tijaabisay

Bakistaan Oo Gantaal Tijaabisay

Wednesday, April 25, 2012

Laaska News  Apr.25, 2012
Ciidanka malatariga ee Bakistaan ayaa sheegay inay ku guuleysyeen tijaabada gantaal, qaadi kara madaxyada nukliyeerka oo ah nooca gantaalada balaastikada ee ridada dhexe maalmo kadib marki Hindiya ay tijaabisay gantaal balaastilkada ee ridada dheer.

.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ku dhawaaqday Arbacada maanta ah in gantaalka shaaheen -1 oo horumar lagu sameeyay la la helay yoolkii lala doonayay oo ahayd bar tilmaameed Badweynta Hindiya ah,sida laga siidaayay warbaahinta NHK.

.

Wasaaraddu shaaca kama qaadin inta uu gaaro gantaalka cusub,laakiin waxaa la rumaysan yahay inuu ka tiiro dheer yahay marka la barbar dhigo gantaalka Shaaheen -1 oo isagu gaara 700 KM.
Bakistaan waxay kaloo leedahay gantaalo kale oo ridada dhexe ah oo lagu magacaabo Shaaheen -2, waxayna gaaraan ilaa 2000 KM.
Dadka indha indheeya waxay leeyihiin Bakistaan waxay gantaalada ridada dhexe tijaabisaa labadii sano-ba mar,waxayna u dhigayaan in tijaabadani ay u eg tahay ama la tahay mid lasii qorsheeyay oo ay tababar ku qaadanayaan qaybta sawaariikhdu.

 

.
Kuwo kale ayaa leh waddanku wuxuu ula jeedaa inuu tuso (ama muujiyo) awoodiisa gantaaleed ee u dhiganta ama uu ku wajahayo gantaalka balaastikada ah ee ridada dheer ee ay tijaabisay Hindiya,gantaalka lagu magacaabo Agni-V ayaa la sheegay inuu gaari koro meel ujirta qiyaastii 5000 KM, gantaalkan ayaa lagu wadaa inuu gaarayo magaaloouinka waa weyn ee ku yaala Aasiya.