Home > TFG Somalia, WARARKA > SOOMAALIYA OO QAADANEYSA DASTUUR CUSUB – WARSAXAAFADEED

SOOMAALIYA OO QAADANEYSA DASTUUR CUSUB – WARSAXAAFADEED

Thursday, April 26, 2012

Laaska News  Apr.26, 2012                         Warka TFG da (RM.Codka JS).

(Muqdisho, April 25, 2012) Maanta waa maalin taariikhi ah oo bilow u ah dhameytirka howlihii Dastuuriga ahaa ee Xukuumadda Soomaaliya hormuudka ka ahayd.

Wasaarada Arimaha Dastuurka iyo Dibu-heshiisiinta ayaa soo bandhigtay qorshe la isugu keenayo odayaal dhaqameedyada, taas oo kor ka eegi doonta hanaanka lagu dooranayo xubnaha ka qeyb galeysa ansixinta dastuur cusub.

.

Howlaha dastuur-sameynta halka ay marayaan:

.

• Boqolkiiba Lixdan iyo Shan (65%) Isimadu waxay ku sugan yihiin Muqdisho, oo ah xarunta Shirka Dastuuriga ah ee Soomaaliyeed.

• Xukuumaddu waxay diyaarisay oo cayimtay Liiskii iyo Degaamada Isimada dhiman ku sugan yihiin iyo qaabkii looga soo qaadi lahaa.

• Xukuumaddu waxay bilowday suggidda amniga, diyaarinta iyo kormeerada Xarumaha Martigelinta iyo Shirarka.

• Beesha Caalamka waxaan ugu baaqyenaa in ay dedejiyaan, fuliyaana balanqaadkii dhaqaale ee ay ugu talo galeen shirarka Dastuuriga ah.

Majiro dhaqaale naga soo gaaray Beesha Caalamka wakhtigan xaadirka ah.

• Xukuumadda waxay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeysaa in ay taageeraan kuna soo dhoweeyaan niyad sami Shirarka Dastuuriga ah.

• Shirku wuxuu u furmayaa si dhaqso ah; markii ay soo dhameystirmaan Isimada, Wabarada iyo Boqorada Soomaaliyeed oo la filayo in ay ku soo dhameytirmaan maalmaha soo socda.

 

Dawladda waxay ku boorineysaa ergada ka imaan doonta dalka oo idil in ay muujiyaan wadaninimo iyo xilkasnimo taas oo ay ku xaqiijinayaan soo af-jarida mududa ku-meel-gaarka ee ku eg August 20, 2012.

 

Published on April 26, 2012

by Jayte.

END.

 

RM. (Codka J.Soomaaliya)