Home > Faallo, WARARKA > Turkiyaw Xeeladdaa Badan “Xamar-na Samafal Baan Gaynayaa Ilmo 4 Jir Ahna Jeel Baan Ku hayaa”!!!!

Turkiyaw Xeeladdaa Badan “Xamar-na Samafal Baan Gaynayaa Ilmo 4 Jir Ahna Jeel Baan Ku hayaa”!!!!

Monday, April 30, 2012

Laaska News  Apr.30, 2012

Waxaa isa soo taraya qayla dhaanta ka imanaysa Soomaali ku xidhxidhan xabsiyada Turkiga,waxaana lagusoo waramaya inay dadkaasi ku jiraan dumar iyo caruur waliba la sheegay inay ku jiraan ilmo 4 jir ah,warkaas oo aan ahayn mid qarsoon oo laga sheegay warbaahinta.
.

Turki sida la sheegay samafal ayuu ka gaystay muqdisho,waliba barakacayaasha iyo dadkii waxyeeladu kasoo gaadhay abaaraha,mas’uuliyiinna iyo hay’adana waa ka joogaan Muqdisho.
.

Waxaa haddaba isweydiin leh waxa loo weydiin waayay waxtarka miyaanay ubaahnayn kuwa dalkiisa jooga ee socotada ah ee waliba uu jeelasha ku hayo maatada iyo caruurta 4 jirada ah oo waliba ay sheegeen in khasab loogu celinayo Soomaaliya.

.

Maxayse tahay waxtarka iyo waxyeelada isku lidka ah?

Maxayse tahay danta aad leedahay Turkiyaw?

.
Xaggayse kasocotaa fikirka ah in dadkaa lagu celiyo Muqdisho,Soomaaliya?

.
Waxaannu ugu baaqaynaa xukuumadda Soomaaliya inay mawqifkeeda caddayso ku wajahan qayla dhaanta ka imanaysa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Bariga dhexe.

.

Guuleed Hurdaaye.

 

.
Laaska News.
.
www.laaska.wordpress.com