Home > Faallo, WARARKA > Odayaashii Dhaqanka Ee Xulista Ergada Oo Loo qaaday Turkiga – Qiil Uma Hayo

Odayaashii Dhaqanka Ee Xulista Ergada Oo Loo qaaday Turkiga – Qiil Uma Hayo

Sunday, May 27, 2012

Muqdisho -Waxaa maanta ka ambabaxay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho odayaashii dhaqanka ee xulista ergooyinka ansaxinta dastuurka ee baryahan kusugnaa Muqdisho ayaa loo qaaday waddanka Turkiga.
.

In kabadan 130 Odayaasha dhaqanka Soomaalida gaar ahaan kuwii baryahan shirarka iyo kulamada ku lahaa muqdisho looguna talagalay inay  soo xulaan ergada ansaxunta dasturka iyo waliba baarlamaanka cusub ee dalku yeelanayo ayaa la sheegay in xukuumaddu ka sagootisay garoonka diyaaradaha ee Adan Cadda Airport Muqdisho.

.
Socdaalka Odayaasha ayaa lagu sheegay inay la xiriirto casuumad ay ka heleen dalka Turkiga sida lagu sheegay warbaahinta dalka.

 
.
Socdaalka odayaasha waxaa kale oo la sheegay inay ku waheliyaan qaar kamid ah bulshada rayadka ah oo aan iyaga ruuxooda war laga hayn ujeedada socdaalkooda.

.
Dhinaca kale bisha Juun ee foodda innagu soohaysa ayaa la filayaa in uu shir ka dhaco waddanka turkiga oo looga hadlayo arrimaha soomaaliya oo ayna kasoo qayb gali soonaan qaar kamid ah dalalka caalamka,gaar ahaan qolooyinkii shirkii London ka qayb galay iyo kuwa la filayo in dhaqaale ay ku deeqi karaan,iyadoo la filayo shirkaas in looga hadlo sidii dhaqaale loogu yaboohi lahaa Soomaaliya iyo mashruuca Road mapka,mana cadda waxyaalaha looga hadlayaa inay ku jiraan sidii Soomaaliya loogu dhisi lahaa ciidan qaran oo dadka kasaara shakiga iyo is aaminid la’aanta kooxaha kursi doonka ah ay umadda kala dhex dhigeen.
.
Faahfaahin dheeraad ah lagama hayo waxa waqtigan keenay tiro intaa la’eg oo odoy beeleedya ah ama oday dhaqameed Soomaaliyeed ah oo Biri ma geydo ah ay waddanka uga baxaan oo ay diyaarado wada raacaan.
.

Mana muuqato meel uga furan iyo waji uga banaan oo ay shirkaas uga qayb galaan.

.
.

“waase arrin cusub, Allow nabad yeel”
.
Mase lasocotaa in odayaasha dhaqanka ee diyaaradaha lagu qaaday ay gacanta ku hayaan oo loo galiyaya masiirkii umadda Soomaaliyeed oo hadda ay ku xidhan tahay iyaga in la soo xulo ergo dastuur ansaxisa,baarlamaan cusub oo lasoo xulo,in madaxweyne iyo Gudoomiye Baarlamaan la doorto iyo waliba in ay burburiyaan oo ay foodda ku qaataan kooxda baarlamaanka ah ee la mari la’ yahay ee muqdisho fadhida oo iyagu hawshan socota kasoo hor jeeda oo sharci darro ku tilmaamay, dhinaca kalana  qaarkood ay warbaahinta ka sheegeen in odoyaasha dhaqanka ruuxooda qaarkood ay yihiin kuwo aan ahayn odayaashii beelaha ee soo jireenka ahaa!

.
Si kastaba ha ahaatee odoyaashaa waa kuwii loogu talagalay inay soo afjaraan mashruuca Roadmapka!!
.

Waxaase la yaab leh haddii odayaashaasi ay yihiin odayaashii dhaqanka ee qabaa’ilka Soomaaliyeed ee taariikhda ku lahaa geeska Afrika waxa ay ugu baaqi waayeen nabad oo iyagoo wada socda ay dalka gees ka gees ay socod ugu mari waayeen!!!!!!
.

Ama looga codsan waayay inay 130 kaasi ay beelahooda ka keenaan kiiba 500 qof oo noqda ciidan qaran oo “qaranka maganta kasaara”,soona afjara hanjabaadda “Carab dheere”.
.

Saaxiibka Soomaaliyeedaw waxaa laga yaabaa in amba uu madax dhaqameedkaygii uu ku jiro,laakiin “qiil uma hayo” socdaalka Turkey.
.
may 26,2012
.

Ciise Adan.