Home > ITALY, WARARKA > Dhulgariir Ku Dhuftay Waqooyiga Talyaaniga, ugu yaraan 15 Dhimasho

Dhulgariir Ku Dhuftay Waqooyiga Talyaaniga, ugu yaraan 15 Dhimasho

Tuesday, May 29, 2012

Dhulgariir awoodiisa lagu qiyaasay 5.8 oo ku dhuftay waqooyiga Talyaaniga ayaa masuuliyiintu sheegeen inay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof.

Dhacdadan ayaa timid iyadoo laga joogo asbuuc markii dhulgariir awoodiisa lagu qiyaasay 6.0 uu ku dhacay isla deegaankaas ayna ku dhinteen 7 qof,kuna burbureen boqolaal dhisme.

.

Dhulgariirka oo xuduntiisana lagu qiyaasay 9.6KM ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel 51KM kaga beegan dhinaca waqooyi Bari magaalada Parma ee goblka Ferrara saacaddu markay ahayd 09:03GMT.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in ugu yaraan 15 qof ay dhinteen kadib markii ay dhismayaal ku dumeen.

Tareenada qaar ayaa laga joojiyay shaqada,waxaana go’ay xargaha telfoonada deegaano waqooyiga ah.

.

RT.

.

Waxaa kale oo ka  dhacay waqooyiga Talyaaniga dhul gariir kale oo awoodiisa lagu qiyaasay 5.6 oo ka dambeeyay kaa ay dadku ku dhinteen.

 

Second powerful earthquake strikes Italy – at least 15 dead