Home > Socdaalka Gudaha, WARARKA > Madaxweyne Shariif Oo Booqday Afgooye,Kana Nabad Galay Weerar Jid Gooyo ah

Madaxweyne Shariif Oo Booqday Afgooye,Kana Nabad Galay Weerar Jid Gooyo ah

Tuesday, May 29, 2012

Muqdisho – Wararka ka imanaya caasimaadda dalka ayaa kusoo waramaya in Madaxweynaha Soomaaliya Md Shiikh Shariif Sh. Axmed oo ay weheliyaan xubno wasiiro ah,masuuliyiin xukuumadda ah,ciidamo iyo wariyayaal ay maanta socdaal ku tageen magaalada Afgooye oo uusan caga dhigin mudadii uu madaxweymaha ahaa .
.

Warku wuxuu intaa ku daraya in Madaxweynaha iyo wafdigiisu ay mareen wadada isku xirta afgooye iyo Muqdisho ee dhawaan ay ciidamadu la wareegeen.
.

Intii ay u sii socdeen afgooyana ay kusii hakadeen deegaan u dhaxeeya muqdisho iyo Agooye oo caga dhigeen.
.
Dhinaca kale  warbaahinta qaarkeed  ayaa sheegtay  iyagoo soo xiganaya qaar kamid ah wariyayaal weheliyay kolonyada madaxweynaha  in kolonyada waday madaxweynaha  markii ay kasoo noqdeen afgooye uu jidka ku qabsaday weerar jidgooyo ah oo geystay dhimasho hal askari ah oo ka tirsan ciidanka dawladda,kuna dhaawacmeen kuwo kale,halkaasina ay ka dhacday israsaasayn ama dagaal xooggan oo dhex martay ilaalada waday wafdiga Madaxweynaha iyo kooxda weerarka ka qaaday.
.

Warkaas ayaa VOA da iyo BBC duba sheegeen oo aad ka dhagaysan kartaa

.
Dhinaca xukuumadda ayaan wali war rasmi ah kasoo saarin dhacdadan iyo qasaaraha dhabta ah inta uu la’egyahay.