Home > TFG Somalia, WARARKA > Madaxweynaha Soomaaliya Oo U Ambabaxay Shirka Istanbul

Madaxweynaha Soomaaliya Oo U Ambabaxay Shirka Istanbul

Wednesday, May 30, 2012

Muqdisho – Wafdi uu hogaaminayo maadaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Md Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta ka ambabaxay garoonka dayuuradaha ee Adan Cadde Airport ee Muqdisho,halkaas oo ay ku sii dhaweeyeen masuuliyiin labada gole ah,saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.
.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ay ka mid yihiin Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka Gaashaandhigga Md Xuseen Carab Ciise,Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo masuuliyiin kale ayaa kusii jeeday magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga halkaas oo ay kaga qayb galayaan shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ka furmayo 31 da may soconna doona ilaa 1da Juun.