Home > TFG Somalia, WARARKA > Ra’iisal Wasaaraha Oo Socdaal Ku Tagay Turkiga

Ra’iisal Wasaaraha Oo Socdaal Ku Tagay Turkiga

Wednesday, May 30, 2012

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Prof.Cabdiwali Maxamed Caligas ayaa socdaal ku tagay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga shalay oo bishu ahayd 29/5/2012, halkaas oo ay kaga qayb galayaan shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.
Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha oo la sheegay inay kamid yihiin Wasiirka Warfaafinta Mr.Jaahweyn,Wasiirka Dastuurka Mr.Xoosh,Wasiirka Iskaashiga Mr.Goodax,Wasiir Kuxig.Gaadiidka Cirka Mr.Dheere & xubno baratakoolka ah ayaa lagu soo waramayaa in si diiran loogu soo dhaweeyay halkaasi markii ay kasoo dageen garoonka.
.

Waxaa kale oo kale oo la sheegay in Rai’isal wasaaraha uu la socday wakiilka Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Dr.Mahiga.
.

Waxaa kale oo maalin ka hor gaadhay halkaasi wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Adan.

.

 

Laaska News