Home > TFG Somalia, WARARKA > Madaxweyne Shariif Oo Socdaal Kutagay Dalka Tanzania,Lana Kulmay Dhiggiisa – Update

Madaxweyne Shariif Oo Socdaal Kutagay Dalka Tanzania,Lana Kulmay Dhiggiisa – Update

Saturday, June 2, 2012

Update:”Madaxweynaha Soomaaliya Md. Shiikh Shariif wuxuu la kulmay  madaxweynaha dalka Tanzania”.

Madaxweynaha Jahuuriyadda Soomaaliya Md Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa galinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Daarasalaam ee dalka Tansaaniya.

.

Madaxweynaha Soomaaliya Md Shariif waxaa halkaas si diiran ugu soo dhaweeyay madaxda sar sare ee dalkaasi iyo mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Soomaaliya sida lagu sheegay warbaahinta xukuumadda.

.
Socdaalkan uu Madaxweynaha Soomaaliya Md.Shariif ku tagay dalkaasina uu yahay mid shaqo, ayna timid kadib markii uu dhiggiisa waddanka Tansaaniya Mr.Jakaya i uu ka helay casuumad rasmi ah.

.
Wafdiga madaxweynaha ayaa lasheegay inay kamid yihiin Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Md,Wasiirka A. Dibadda Md.Cabdullaahi X. Xasan,Wasiirka Haweenka & D. Qoyska Marwo Maryan A. Jaamac, & mas’uuliyiin kale.

.

 

June 2, 2012

Warar Kale:

.

Madaxweynaha Soomaaliya Oo U Ambabaxay Shirka Istanbul