Home > WARARKA > Masar – Madaxweynihii Hore ‘Mubarak’ Iyo Wasiirkii Gudaha oo lagu xukumay Xabsi Daa’in

Masar – Madaxweynihii Hore ‘Mubarak’ Iyo Wasiirkii Gudaha oo lagu xukumay Xabsi Daa’in

Saturday, June 2, 2012

Maxkamad dambiyada ee Qahira ayaa ku xukuntay xabsi daa’in Madaxweynihii hore ee dalka masar Maxamed Xusni Mubaarak maanta oo sabti ah.

Xukunkan ayaa la sheegay inuu la xiriiro  dilka dadkii ku dhintay kacdoonkii iyo mudaharaadyadii ka dhacay dalka masar 2011.
.

Mabarak ayaa lagu hayay xabsi dhakhtareed u dhaw magaalada Qahira.Mubarak,labadiisa wiil,wasiirkiisii Arrimaha Gudaha Xabbiib Al Cadli iyo lix kale oo xukuumaddiisa ah ayaa lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo dilka boqolaal  ahaa dadkii ku mudaharaadayay ee kacdoonkii xukunka lagaga tuuray Mubarak.

.
Wasiirkii Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale lagu xukumay xabsi daa’in.
Mubarak ayaa xukunka laga tuuray bishii Febraayo 2011 kadib markii uu dhacay kacdoon shacab oo socday 18 cisho.

Mubarak waxaa lagu waayay eedeymaha la xiriira Musuqmaasuqa,sidoo kale waxaa labadiisa wiil ee Cala & Jamaal  lagu waayay musuqmusuq hantiyeed,sida lagu sheegay warbaahinta.

 .

wakaaladaha