Home > WARARKA > Diyaarad Rakaab Oo Ku Burburtay Nayjeeriya

Diyaarad Rakaab Oo Ku Burburtay Nayjeeriya

Sunday, June 3, 2012

Waxaa lagu soo waramaya in Diyaarad rakaab ah  ay ku burburtay magaalada Lagos ee dalka Nayjeeriya.

.
Photo from CKN Nigeria

Dhammaan dadkii saarnaa waxaa la rumaysan yahay inay dhinteen sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.

Diyaaradda ayaa la sheegay inay ku dhacday meel gudaha magaalada Lagos ee dalka Nayjeeriya ayna saarnaayeen 147 qof sida ay xaqiijisay hay’adda Qaran ee xaaladaha Degdegga ah.

War laga helay hay’adda ayaa sheegaya in diyaaraddu ahayd Dana  Air ayna isaga gooshaysay waddanka gudihiisa.

Diyaaradda ayaa la sheegay inay kasoo duushay magaalada Abuja kuna socotay Lagos.

.
Laba war oo laga helay garoonka Lagos ayaa sheegaya in tirada saarnaa ay qiyaastii ahayd 150 qof,halka warar kalana ay sheegayaan 153.
.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in uu is qabsaday qiiq, olol iyo sawaxan,ayna meeshii ugu tageen maydad gubtay,waa halkii ay ku dhacdaye.
.

Waxaanse wali la  kala garan inta ay dhimashada la’eg tahay dadka kunoolaa dhismayaasha ama xaafadaha ay ku dul dhacday.
.

Wararka qaar ayaa sheegaya in diyaaraddu ay joog hoose ku duulaysay,ayna ku dhacday dhisme laba dabaq ah oo ku yaal deegaan ay dadku ku badan yihiin oo ku yaala magaalada dadka badan ay ku nool yihiin ee Lagos.

.

Magaalada Lagos waxaa lagu qiyaasaa inay ku nool yihiin 15 Milyan.

.
Waxaase la yaab leh shabakad waddankaas ah oo sheegtay inay samaysay baaris ayaa qortay in diyaaraddu ay ahayd mid dhawr asbuuc samays ku jirtay oo aan ku haboonayn duulis,loona ogoleyn duulis oo ninkii lahaa iyo maamulkeedii ay doolistaasi ay iyagu sameeyeen,ayna ahaayeen hindi haddana carar ku jiraan.
.

Si kastaba ha ahaatee madaxweynihii waddankaasi wuxuu ku dhawaaqay 3 cisho oo baroor diiq ah.

Wakaaladaha Wararka