Home > TFG Somalia, WARARKA > Pres.Sharif Oo Kasoo Laabtay Socdaal Shaqo Oo Uu Kutagay Turkiga Iyo Tansaaniya

Pres.Sharif Oo Kasoo Laabtay Socdaal Shaqo Oo Uu Kutagay Turkiga Iyo Tansaaniya

Monday, June 4, 2012

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Md.Sh.Shariif Sh. Axmed Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu soo dhamaystay socdaal shaqo ah oo uu kusoo kala bixiyay wadamada Turkiga iyo Tansaaniya.
.

Madaxweyne Shariif ayaa kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho (Ex Mogadishu International Airport),waxaana halkaa si diiran ugu soo dhaweeyay Ku-simaha Ra’isal Wasaaraha(R/Wasaare ku-xigeenka isla markaana ah wasiirka Ganacsiga & Warshadaha Md. oo hor kacaya xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee dawladda.

 

 

.
Madaxweyne Sh.Shariif Sh.Axmed ayaa markii uu soo dagay kadib salaan sharaf soo dhaweyn ah ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

 

.

 

.

Wafdiga lasocday Madaxweynaha waxaa kamid ahaa Ra’isul wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Md.Carab,Wasiirka Haweenka, Daryeelka Qoyska Marwo Maryan Aweys iyo xubno kale oo goloyaasha dawladda ah sida lagu sheegay shabakadda ay leedahay Idaacadda Codka J.S. ee “Raadiyo Muqdisho”.
.

Madaxweynaha iyo wafdi uu hogaaminayay waxay dalka Turkiga kaga soo qayb galeen Shirkii caalamiga ahaa “Somalia Conference Istanbul II” ee lagu qabtay magaalada Istanbul (31 dii Maajo – 1dii Juun 2012),loogana hadlayay arrimaha Soomaaliya.

.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale socdaal shaqo ku tagay dalka Tansaaniya,halkaas oo uu kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Tansaaniya.

 

 

.

 

.

Photo  By Canab Maxamed Barkhadle (R M).