Home > TFG Somalia, WARARKA > President Sharif Oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Ee Xulista Ergada

President Sharif Oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Ee Xulista Ergada

Wednesday, June 6, 2012

Muqdisho                            Warkii  Dalka.

Photo: RM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Md. Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta kulan la qaatay odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulaya ergada ansaxinaysa Dastuurka iyo xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

.
Waxaa lagu soo waramayaa in kulankan uu ka dhacay deegaanka ay odayaashu ka degan yihiin ee ku taal Gagida Dayuuradaha ee Muqdisho,halkaana fikrado iyo su’aalo layska waydaarsaday kusaabsan hawlaha laxidhiidha soo xulista ergada,xubnaha Baarlamaanka,cidda leh awwoodda soo xulista IWM.

.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay kulankaas ayaa sheegay in awoodda sooxulista Ergada ansaxinta Dastuurka cusub iyo xubnaha baarlamaanka kamid noqonaya ay leeyihiin madax dhaqameedyadu,halkaana uu madaxweynuhu ugu caddeeyay inay awooddii loogu dhisi lahaa dawladdu ay gacantooda ugu jirto.
.

Madaxweynaha oo la hadlaya odayaasha dhaqanka waxaa hadaladiisa ka mid ahaa:
.

“Cidda ay idinla’ tahay xilligan oo shaqada wadi karta oo xildhibaan noqon karta soo qora,qofkii idiin diidayana aan aragno!”

.

Waxaa kale oo halkaa ka hadlay Kusimaha Ra’iisal Wasaaraha ahna R/wasiire Kuxigeen & Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha Md. Cabdiwahaab .

.

Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay qaar kamid ah odayaasha.