Home > TFG Somalia, WARARKA > Danjiraha Soomaaliya Ee Midawga Yurub Oo Shil Ku Dhaawacmay

Danjiraha Soomaaliya Ee Midawga Yurub Oo Shil Ku Dhaawacmay

Thursday, June 7, 2012

Laaska News

Danjiraha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Midawga Yurub iyo Talyaaniga Amb. Nuur Xasan Xuseen (Ex.PM. Nuur Cadde) ayaa ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay magaalada Brusseles xilli uu gudanayay waajibkiisa qaran,kuna sii jeeday kaqayb galka shir ay lahaayeen Danjirayaasha Wadamada Afrika ufadhiya Brusseles,habeenkii xalay 6,June.

.

 

 

.
Warku wuxuu intaa kudarayaa inaan faah faahin badan laga hayn sida shilku u dhacay .

.
Shilkan  inuu dhacay kadib markii gaarigii danjiraha iyo gaari kale ay isku dhaceen magaalada Brusseles.
.

Danjire Nuur Cadde ayaa waxaa soo gaaray dhaawc fudud haddana lagu dawaynayaa isbitaal ku yaal magaalada Brusseles,Belgium sida lagu sheegay warbaahinta qaranka (RM).
.

Shilkan ayaa  sidoo kale waxaa ku dhaawacmay wadihii Danjiraha(darawalkii) gaariga oo lagu magacaabo Mahdi.

 .

Warbaahinta Qaranka oo soo xiganaysa wariyaheeda Yurub Mr. Xudeyfa & wiil uu dhalay Danjire Nuur Cadde oo lagu magacaabo “Xaaji Maxamed”ayaa sheegtay in Danjire Nuur Cadde uu qabo dhaawac,dhaawaciisuna yahay mid fudud oo ah “jabniin kalxanta ah”,haddana lagu daweynayo Isbitaal ku yaal Brussels.

.

Xaaji Maxamed Nuur Xasan Xuseen oo ah wiil uu dhalay Safiirka ayaa u xaqiijiyey Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Qaarada Yurub C/raxmaan Maxamed Xasan Xudeyfi dhaawaca gaaray aabihiis waxaana uu xusay in dhaawaca uu yahay mid fudud islamarkaana uu safiirka ka jabay Kalxanta,hadana uusan qabin dhaawac badan.

RM.

.

 

 

Gaariga Danjiraha oo taagan goobtii uu shilka ku galay, Photo: RM

.

 

 

 

 Danjiraha oo kasoo dagaya gaariga,sawirkuna muujinayo in dhaawaciisu fudud yahy,Brusseles.June 6, 2012 . Photo:RM

 

 

Alle ha caafiyo dhammaantood.

 

.

Laaska News