Home > Shirarka, WARARKA > Ra’isal Wasaaraha Oo Ka Hadlay Socdaalkiisii Iyo Arrimo Kale

Ra’isal Wasaaraha Oo Ka Hadlay Socdaalkiisii Iyo Arrimo Kale

Saturday, June 9, 2012

 

Muqdisho – Ra’isal Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Prof. Cabdiwali Maxamed Caligas ayaa warbaahinta kula hadlay Garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde ee magaalada Muqdisho,kadib markii uu dalka kusoo laabtay duhurnimadii shalay (sida lagu sheegay warbaahinta qaranka) ayaa ka warbixiyay socdaalkiisi uu ku tagay wadamada Turkiga iyo Kenya.

.
PM Gaas  ayaa ka qayb galay shirkii ka dhacay Turkiga ee “Istanbul 2” shirkaas oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya,ayna ka qayb galeen madaxda Soomaaliya,UN ka, in kabadan 50 dawladood,hay’ado iyo ururu caalamiah, wuxuu sheegay in uu shirkaasi kusoo dhamaaday guul.

.
Raiisal Wasaaraha Soomaaliya oo warbixinta kadib ay warbaahintu su’aalo ka waydiisay arrimo dhawr ah oo ay ka mid tahay eedeymo kusaabsan lacago la sheegay in la musuq maasuqay oo laga soo xigtay warbixin ay siidaysay Bankiga adduunku oo sheegaysa in xukuumadda Soomaaliya ay lunsatay lacag malaayiin ah,warbixintaas oo xitaa wararka qaar sheegayaan in laga akhriyay shirkii Istanbul.
.

Lacagtaas oo lagu qiyaasayo ilaa 130 Milyan sida meelo badan lagu sheegay.
.

Ra’iisal Wasaaraha oo arrintaa ka hadlay waxa uu sheegay inaysan xukuumadiisu shaqo kulahayn islamarkaasina uusan aamin sanayn in lacagta intaa la’eg la lunsaday amaba ay soo gaartay xukuumadihii ka horreeyay toona.
.

 

 

Ra’iisal Wasaaraha oo kahadlay Lacagta la sheegay in uu maraykanku dul dhigay ama uu ku bixinayo siduu ku heli lahaa  rag dhawr ah oo la sheegay inay hormoodka ama madaxda xarakada  yihiin – ayaa soo dhaweeyay arrintaa waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

.
Waxaa weeye nimankaasi nimankii dhibta Soomaaliya  ka gaystay weeye,dhibtooduna maahayn dhib soomaaliya ku kooban, dhibtooduna meel walbay gaadhay, wadamada dariska ah bay dhib ku hayeen,adduunka oo dhan bay dhib ku hayeen.

.
Waa la socotaanoo sanad kahor waa ayagii kambaala isku qarxiyeeno ,70 qof baa ku dhimatay,dadka ku dhintay dad maraykan ah baa ka mid ahaa, marka colaadooda cid kasta oo  colaad u qabtay waxaa lagama maarmaan ah dhibta ay gaysteen inay bixiyaan weeye —–
.

Qofku intuu dhib gaysto oo intaas oo umad ah oo Soomaaliya laayo,oo adduunkii dhibo oo dariskii dhibo inuu si …isaga noolaado ma dhici karto.
.

 

Raysal Wasaaraha Oo Dalka Kusoo Laabtay

Declaration of the Stanbul II Conference On Somalia

Shirkii Istanbul 2 Ee Soomaaliya ,Qodobabada Warmurtiyeedka

Turkey, Somalia sign agreement to set up regional development offices

 

Shirkii Madax Dhaqameedka Soomaalida,Bulshada Rayidka Oo Ka Socda Istanbuul – SAWIRRO

Somalia Civil Society Groups Meeting takes place in Istanbul

Istanbul Meeting

 

Laaska News