Home > Shirka Wadatashiga, WARARKA > Shir Looga Hadlayay Nuqulkii Ugu Dambeeyay Ee Dastuurka Oo Lagu Qabtay Kenya

Shir Looga Hadlayay Nuqulkii Ugu Dambeeyay Ee Dastuurka Oo Lagu Qabtay Kenya

Sunday, June 10, 2012

“Datuurka oo loo Wanqalayo Talaadada”
Waxaa lagusoo waramayaa in shir socday muddo saddex maalmood ah oo Looga Hadlay dhamaystirka qabyo qoraalka dastuurka Soomaaliya iyo sidii loo soo daabici lahaa nuqulkii ugu dambeeyay  lagu soo gabagabeeyay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.

 
.
Shirkaas oo socday muddo saddedx maalmood ah ayaa lasoo gabagabeeyay 9 /6/2012,waxaana ka qayb galay Gudoomiyaha Baarlamaanka,xubno Golaha Wasiirada ah…..sida lagu sheegay warka habeenimo ee warbaahinta Qaranka.

 
.
waxaa la sheegay in gababa gabadii shirkaas ay kasoo qayb galeen :

Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Adan,Wasiirka Dastuurka & Dib-u-heshiisiinta Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil,Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Xiriirka Caalamiga Mr.Cabdulaahi Goodax Barre,Danjiraha Soomaaliya ee Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur (Amerika), Wakiilo kasocday beesha Caalamka oo ay kamid yihiin Danjiraha Maraykanka ufadhiya Kenya, Ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

.
Waxaa kale oo uu war laliyuhu sheegay in  sidoo kale ay joogeen Wakiilo kasocday saxiixayaasha Roadmap ka.

.
Waxaa shirkaa la sheegay in diiradda lagu saaray oo looga hadlay – “sidii loo soo daabici lahaa nuqulkii ugu dambeeyay ee dastuurka Soomaaliya, oo saxiixayaashu isla ogol yihiin waxyaalo badanna  laga badalay gaar ahaan qodobadii ay shacabku aad uga cawdeen,oo isbadalna lagu sameeyay …Waxaa xusid mudan in ay joogeen Wakiilo kasocda saxiixayaasha Road map ka”
.

Waxa uu raaciyay “waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayay qodobadaas kusaabsan soo xulista ergada ansaxinaysa dastuurka” iyo “soo daabicidda nuqulkii ugu dambeeyay oo waxyaalo badan laga badalay”.
.
Waxyaalaha kale oo la sheegay “in shirka muhiimadda  lagu saaray sida loogu baahan yahay in sida ugu dhaqsaha badan loo soo gaba gabeeyo kala guurka” iyo sida Soomaalida uga go’an tahay sida arrinta loo soo afjaro.

.

Dhinac Beesha Caalamka ayaa iyagana dhinacooda laga codsaday arrimaha ku xayiran ee “dhaqaaluhu” kamid yahay inay sida ugu dhaqsdaha badan ay balan qaadyadoodi u fuliyaan si aanau u imin dib udhac.

.
Waxaa laysla gartay in:

.
“Qodobadii iyo Balan qaadyadii Addis Ababa lagu galayna aan laga bixin”.

.
.
“Odayaasha dhaqankana aad loogu dhiiri galiyay inay soo dadajiyaan soo xulista ergada ansaxinaysa dastuurka iyo xubaha kamid noqon lahaa baarlamaanka”.

 

.
Waxaa lagu wadaa sida laga sheegay ama laga soo xigtay  Wasiirka Dastuurka in si  dhaqso ah loo soo daabacayo dastuurka kadibna “in xaflad Wanqal ah oo dastuurka loogu samaynayo magaalada Muqdisho maalinta Talaadada ah”.

.

 

END.

 

June 10, 2012