Home > Somaliland > Hargeysa – Gudoomiyihii Maxkamadda Gobolka oo Saaka La Dhaawacay – SL

Hargeysa – Gudoomiyihii Maxkamadda Gobolka oo Saaka La Dhaawacay – SL

Monday, June 11, 2012

Hargeysa – Waxaa saaka waabarigii salaadda subax toogasho lagu dhaawacay Gudoomiyihii Maxkamadda Gobolka Hargeysa Cabdirashiid Maxamed Duraan sida uu warbaahinta u caddeeyay W.A.Gudaha Somaliland M.N.Caraale “Duur”

.
Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Mr Duran ayaa la sheegay inuu ka badbaaday dil toogasho ah oo dabley aan wali haybtooda la soocin ama la shaacin ay la beegsadeen xilli uu kusii jeeday  ama uu tagay masjidka,kadibna ay goobta ka baxsadeen.

.
Waxaase la sheegay warar sheegaya in ciidanka Amnigu ay wadaan baadi goob & baaris, sidoo kalana ay dhacdadaas u qab qabteen  dad ay ku tuhunsan yihiin inay xiriir la leeyhiin falkaas.

.
Mr.Duraan dhaawaciisa ayaa la tilmaamay mid aan laga dayrin oo uusan halis ahayn dhaawiciisu,laguna dawaynayay saaka Isbitaal ku yaala Hargeysa,halka war dambana sheegayo in loo qaaday Jabuuti.
.

Mr. Duraan ayaa la sheegay in waqtiga la dhaawacayo aysan lasocon wax ilaalo ah,inkastoo la sheegay inuu lahaa ilaalo ugaar ah sida laga soo tabiyay Minister “Duur”.

.

 

Wasiir “Duur” oo  la hadlay BBC da ayaa sheegay in dadkii ama ciddii geysatay falkaas aan laqaban oo ay goobta ka baxsadeen.

.

Ilkacase.

 

June 11,2012.