Home > Socdaalka Gudaha, WARARKA > Madaxweyne Shariif Oo Socdaal Kutagay markii Labaad Afgooye

Madaxweyne Shariif Oo Socdaal Kutagay markii Labaad Afgooye

Monday, June 11, 2012

Muqdisho – Wararka laga helayo caasimaadda dalka ayaa kusoo waramaya in Madaxweynaha J. Soomaaliya Md Shiikh Shariif Sh. Axmed oo ay weheliyaan Wasiirka A. Gudaha & Beeraha  uu maanta galinkii dambe socdaal kutagey magaalada Afgooye,kulamana la leeyahay dadka deegaanka iyo ciidamada deegaankaa kusugan sida lagu sheegay warbaahinta .

.

Deegaanka Afgooye waxaa warbaahinta qaarkeed maalmahan ka sheegayeen in dadka deegaanadaa ku sugan ay waxyeelo kala kulmeen dad gashan dirayska  ciidamada,warkaas oo ay ceedamadu ay horrey dhaw jeer u beeniyeen,haddase isa soo taray sida laga sheegay Idaacadaha wareysiyo ay dadku siiyeen.

.

Waxaa lagu soo waramay in uuu madaxweyne shariif uu kulamo kula qaatay ciidamada iyo masuuliyiin deegaanka ah.

.

 

 

Related Articles: