Home > Baarlamaanka Soomaaliya, Somalia before 1991(Somalia ka hor 1991), WARARKA > Aas Qaran -“Marxuum Sh Mukhtar” Afhayeenkii Hore Ee Baarlamaanka 1969

Aas Qaran -“Marxuum Sh Mukhtar” Afhayeenkii Hore Ee Baarlamaanka 1969

Friday, June 15, 2012

Photo:RM

Muqdisho – June 15 – Waxaa maanta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho lagu aasay,looguna sameeyay aas qaran Alla ha unaxariistee -Marxuum Shiikh Mukhtaar Maxamed Xuseen Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya,sidoo kalana noqday kusimihii madaxweynaha Soomaaliya xilligii dalku noqday madaxweyne la’aanta ee u dhaxeysay 15 – 21 Oktoobar 1969.

.
(AHUN)marxuumka Sh.Mukhtar Maxamed Xuseen ayaa ku geeriyooday magaalada Nayroobi ee dalka kenya,halkaas oo meydka marxuumka diyaarad lagaga soo qaaday ay kasoo degtay garoonka Adan Cade Airport ee Muqdisho,kadibna laga soo dajiyay,laguna tukaday salaadda janaasada, goobtaas oo ay ay kusugnaayeen madaxda dalka iyo waxgarad ka tirsan shacabka Soomaaliyeed ee kusugan magaalada Muqdisho,kadibna waxaa lagu aasay xabaalo ku yaal agagaarka fagaaraha Tarbuunka ee Muqdisho.

 
.

 

 

 

 

Warbaahinta Qaranka oo ka hadlaysa aaskaa qaran ee loo sameeyay Marxuum Shiikh Mukhtaar Maxamed Xuseen Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka qayb galeen madaxda dalka isla markaana ay tacsi ujeediyeen shacabka Soomaaliyeed sida lagu sheegay qoraalka hoose:

.

 

 

 
.

 By Canab (RM).

.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed R/wasaare C/weli Maxamed Cali, Afheyeenka Baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirro, Xildhibaanno, saraakiil, Culumaa’udiin, Waxgarad, Odoyaasha Dhaqanka iyo dadweyne aad u farabadan.

.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay aaska qaran ee loo sameeyay sheekh Mukhtaar ayaa uga tacsiyeeyay ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid marxuumka waxa uuna ALLE uga baryay inuu jannada ka waraabiyo.
.

Sidoo kale R/wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamanka oo iyagana ka hadlay goobta lagu aasay Guddoomihii hore ee barlamanka ayaa iyaguna u tacsiyeeyay ehelladiisa waxa ayna madaxda qaranka dhammantood qireen inu ahaa shakhsi aad u wanaagsan oo door muhiim ah kasoo qaatay siyaasadda iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.

Laaska News.