Home > ALL LAASKA, WARARKA > Somaliland Oo Sheegtay Guddi Cusub Oo Uga qayb galaya Wadahadalada TFG da

Somaliland Oo Sheegtay Guddi Cusub Oo Uga qayb galaya Wadahadalada TFG da

Friday, June 15, 2012

Hargeysa – Somaliland ayaa sheegtay inay magacawday guddi cusub oo ka kooban shan xubnood 14 /6/ 2012 oo uga qayb galaya wadahadalada lagu wado inay dhexmaraan TFG da iyo Somaliland ee la filayo inay ka dhacaan London bishan gudaheeda sida uu warbaahinta usheegay wasiirka warfaafintu.
.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdi Yuusuf Ducaale oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay inay shirka la tagayaan inay yihiin dawlad ka madaxbaan Soomaaliya.
.

Guddiga Cusub ayaa waxay kala yihiin:

.
 
1.Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Cabdulaahi Cumar.
.
2.Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlaanka Baashe Maxamed Faarax “Baashe Maxamed Cadde”.

3.Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka “UCID”.

4.Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Xasan Cali.

5.Maxamuud Axmed Barre (Garaad) Wasiirka  Shaqaalaha.

.
Dhinaca Soomaaliya ayaanay wali caddayn in xubnaha ka qayb galayaa shirkaasi ay yihiin xubnihii hore iyo inay yihiin kuwo cusub.

.
June 15,2012.

.

Laaska News.

.

Relared Articles:

Wadahadal U furmaya TFG da Iyo SL

 Shiikh Shariif Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Kulmay – April 27, 2012

Somaliland Kama Qayb Galayso Wadahadalka TFG da Haddii Aan Wax Laga Badalin——- FM April 19, 2012

 Somaliland Oo sheegtay Inay Magacawday guddi Wadahadal La Galaya TFG da  – Apr. 8, 2012

Shirka London Oo Lasoo Gabagabeeyay – Qodabadii