Home > WARARKA > Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Afgooye

Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Afgooye

Saturday, June 16, 2012

Muqdisho -Waxaa lagu soo waramayaa in qarax uu ka dhacay maanta magaalada Afgooye,qaraxaas oo la sheegay inuu ahaa mid ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay sida ay ku warameen wakaaladaha wararku.
.

 

Qaraxaas ayaa la sheegay in lagu qarxiyay albaabka hore ee laga galo meel  dugsi ah marna lagu sheegay saldhig ama xero   ay ciidamada dawladdu  ku  leeyihiin Afgooye.

.

Qaraxaas oo la sheegay in uu qasaare geystay, walise aan laga hayn wax faahfaahin ah  sida uu u dhacay iyo qasaaruhu inta uu la’eg yahay marka laga reebo wararkan:

“qof ismiidaamia ah  oo wata gaadhi waxyaalaha qarxa ka buuxo waxa uu ku qarxiyay albaabka hore ee laga galo  saldhig ay dawladda Soomaalidu leedahay oo ku yaal magaalada Afgooye,xarakada shabaab ayaa sheegtay in nin iyaga ka tirsanaa uu weerarkaa isqarxinta geystay sidaa waxaa yidhi laanta Afsoomaaliga ee BBC da”.

 

Wadbaahinta dawladda ayaa  sheegtay in:

“Ciidammada Qalabka Sida Oo Afgooye Ku Fashiliyey Qarax Loo Adeegsaday Gaari”.
.

“Sida ay saraakiil ka tirsan Ciidammada u xaqiijiyeen Radio Muqdisho gaariga ayaa waxaa ka shakiyey Ciidammo ka tirsan Dowladda kadibna waxey ku amreen wadihii gaariga inuu joojiyo ayadoo wadaha oo ahaa qofka  naftii haligaha ah uu amarkaasi ka dhega adeegay balse ay Ciidammadu toogteen ayadoo markaasi kadibna uu gaariga qarxay”.
.

“Gaariga qaraxa ay kasoo buuxiyeen Maleeshiyada Al-Qaeda ayaa noociisu ahaa NOHA”.

.

“inta la xaqiijiyey ku dhaawacmay Seddex ruux oo rayid ah waxaana goobta gaarigan lagu istaajiyey oo uu ku qarxay ay tahay afaafka hore ee xerrada agoonta TADAAMUN Afgooye”.
.

Radio Muqdisho.