Home > ALL LAASKA, Faallo, WARARKA > “Buunkayga Ninka Xada Xagguu Ku Yeedhin!!” Wadahadaladii TFG da,Somaliland Oo Ka Furmay Ingiriiska

“Buunkayga Ninka Xada Xagguu Ku Yeedhin!!” Wadahadaladii TFG da,Somaliland Oo Ka Furmay Ingiriiska

Thursday, June 21, 2012

By:Naalaye & Ciise Adan
(Laascaanood).

 “Hi. Somaliland Laaska will be free from Somaliland if you would not stop Irirism”.

Wadahadallo udhaxeeya dawladda Soomaliya iyo maamulka Somaliland ayaa 20 ka June 2012 ka furmay duleedka magaalada London ee dalka Ingiriiska sida lagu sheegay warbaahinta Qaranka.

.
Wadahadaladan ayaa waxaa kaqayb galaya laba guddi oo ka kala socda dawladda Soomaaliya iyo Somaliland,waxaana kulanka kala qayb qaadanaya xubno kasocda dawladaha caalamka qaarkood laga magacaabay Norway sida warbaahinta qaarkeed ay sheegeen.
.

Waxaa kale oo ka qayb qaadanaya ingiriiska oo shirkan marti galiyay loona badinayo inuu dabada kawado shirkan,sidoo kalana uu wakiilkoodii ka qayb galay shirkii Istanbuul ee looga hadlayay Soomaaliya uu ku soo qaaday wadahadalada.

.
Shirkan oo la sheegay in saxaafaddo banaanka ka joogto ayaan waxaan ilaa hadda la ogayn ajandaha rasmiga ah ee wadahadaladan,waxaana loo badinayaa in arrimaha qaarkood ay meel isla dhigaan,qaarkoodna aanba lasoo qaadin sababtoo ah waa wax aysan xalba u heli karin.

.
Arrinta ugu muhiimsan ee meesha kasoo bixi doonta ayaa la filayaa inay noqoto iskaashi xagga amaanka ah iyo lacagaha ku baxaya dhinaca amaanka oo qaar loo leexiyo xagga Somaliland.

.
Somaliland ayaa iyadu horrey usheegtay inay la tagayso goobta dawlad ka madaxbanaan,hase yeeshee caalamka hor fadhiya shirkaas wuxuu u aqoonsan yahay qayb kamid ah Soomaaliya.

.
Dhinaca Dawladda Soomaaliya ayaa la sheegay inuu wafdigaa dawladda Soomaaliya uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya Md.Cabdisamad Macalin Maxamuud uu na waheliyo wasiirka Waxbarashada oo ay isku beel kasoo jeedaan Baashe oo kasocda dhinaca Somaliland,waxaa kale oo la sheegay inay xubno baarlamaanka ah ay weheliyaan iyo Danjire aan la magacaabin

.
Waxaa kaloo intaa dheer inay somaliland ay shirkaa u dirtay shan nin oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha Dibadda Somaliland.

.
Shantan ayaa waxay kasoo kala jeedaan saddex beelood oo kamid ah beelaha dega waqooyiga Soomaaliya,Somaliland se haddaan aqaan waxay udhigtay shan beelood.
.
Beesha Isaaq (3 nin).oo kala ah.
.
1.hogaamiyaha Wafdiga ahna Wasiirka A Dibadda.(H/Awal).

2.Wasiirka Madaxtooyada Xirsi (H/Jeclo).
3.Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe (Gar xajis)

Beesha Dhulbahante  (1).

Gudoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Somaliland

Beesha Samaroon (1)

Wasiirka Shaqada.  
Shaxdan ay somaliland dhigtay ayaa ah waa ku dhan nahay haddaannu nahay Beelaha waqooyiga dega ana sida loo dhigay Somaliland.

.
Waxaannu leenahay beeluhu horta ma dhamma,mashruucaad waddaana ma bisla,cadaaladdiina wali umaydaan bislaan,arrintana Beeluhu idinka aqbali maayaan,caalamkuna idinka yeeli maayo,Soomaaliyana idinka aqbali mayso,Daraawiishina idinka yeeli mayso,anna idinka yeeli maayo oo rag horaad lumiseen!!!

 .

Wasiirka waxbarashada ee Soomaaliya  iyo Somaliland waxa ay  kawada hadli karaan waa midaynta manhajka.

.
“Cabdisamad iyo Xirsina” waxay ubadan tahay in meesha lagu kala qabto sababtoo ah Cabdisamad Macalin Maxamuud waa “Soomaali” ,”wadani”,waa “nin qawl leh”, wixii ay qof isku og yihiina kama baxo” .

Ogaada Soomaaliaiy hadalkayga “qof Soomaaliyeed oo iga badiyana majirto “Cabdisamad”,xirsina Sl ayuu ku dhgayaa,faysalna waxaa laga yaabaa inuu iskusoo jiido kulankaas!!.

.
Warar kale ayaa sheegaya in kulan kale ka dhicidoono Imaaraadka Carabta,waa haddii kan maanta gaba gaba gabiibaya laysku afgarto.

.
Shirkan waxaa garab socda shir kale oo kasocda Nayroobi oo looga hadlayo dastuurka ayna kaqayb qaadanayaan saxiixayaasha Road map ka iyo qaar ka mid ah Bulshada Caalamka waxaana loo badinayaa inay warka kala helaan labada shir!!!!!!!

.

Waxaana soobaxaya in qodobada qaar laysku mari la’ yahay waa xaggaa iyo Nayoobi.

.
Maxay tahay waxa Beelaha daggan 18 ka  Gobol Loola hadli waayay ileen Beel Waliba waxbay Beesha kale karirsanaysaaye,maxaase hortaagan Gobolada Soomaaliya?

.

Waxaan ka digaynaa in xukuumadda Soomaaliya ay ka faa’idaystaan beelo gaar ah oo ay lumiyaan dantii guud ee Soomaaliya,loona horseedo Soomaali burbur leh iyo kooxaysi Beeleed.
.

.

Waxaan ku kala tagaynaa Soomaaliyey!

.
Boqorkii Ajuuraan ee la odhan jiray Olol Diinle ayaa wuxuu yidhi “Buunkayga Ninka Xada Xagguu Ku yeedhin (Buufin).

.
Bal warkaas dhuuxa oo dhadhansada oo isku fasira oo Soomaali gaarsiiya, oo xamar iyo Hargeysa  ka rida,oo shirka London kasocdana gaarsiiya iyo saan cadaalaha.
.

.

Haddaba xalku muxuu yahay laba arrimoodse tee Somaliland  ay kadoonaysaa Muqdisho iyo Beesha talada waddanka gacanta ku haysa  oo u dan ah  ayna door bidaysaa?

.

lasoco

 .

Editor: M.Sugule.

Fadlan  qoraalkan iyo aragidan ciddii Su’aal kaqabta weydii daraawiish cidda kugu dhaw.

Laaska News

June 21,2012.