Home > Shirarka, WARARKA > Shirkii Dawladda Soomaaliya,Maamulka Somaliland Oo Ay Kasoo baxeen Qodobo

Shirkii Dawladda Soomaaliya,Maamulka Somaliland Oo Ay Kasoo baxeen Qodobo

Thursday, June 21, 2012

Waxaa lasoo gabagabeeyay shirkii wadahahadalada ergooyinka Dawladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland  labada maalmood uga socday dalka ingiriiska,waxaana lagasoo waramaya in wafuudi labada dhinac kasocday ay ku heshiiyeen qodobo dhawr ah sida ay warbaahinta usheegeen gabagabadii shirkaas.
.

Marka hore aan soo qaadano Warbaahinta Qaranka Soomaaliya.

.

Shirkii Dowladda Soomaaliya Iyo Maamulka Somaliland Uga Socday Britain Oo Lasoo Gebagebeeyey Iyo Qodobo Lagasoo Saaray

by Jayte

Hooyga Chevering House ee duleedka magaalada London ayaa waxaa gelinkii dambe ee maanta lagusoo gebagebeeyey shir mudo laba cisho ah halkaasi uga socday wufuud ka kala socota DFKMG ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland waxaana shirkaasi lagasoo saaray qodobo dhowr ah oo labada dhinac ay ku heshiiyeen.

Kulanka markii uusoo gebageboobay kadib waxaa wadajir Shirjaraa’id u qabtay Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Amniga Qaranka Mudane C/samad Macalin Maxamuud oo hogaaminayey wafdiga DFKMG iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda maamulka Somaliland Mudane Dr Maxamed C/laahi Cumar oo isna hogaaminayey wafdiga ka socday walaalaha Waqooyi Galbeed Soomaaliya.

Ugu horeyn Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane C/samad Macalin Maxamuud oo shirka Jaraa’id ka hadlay ayaa tilmaamay in lagu heshiiyey qodobo dhowr ah oo ay ugu horeyso in lasii wado wadahadallada oo ay is arkaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo labada dhinac ay yeeshaan iskaashi dhinacyo badan oo ay ugu horeyso la dagaalanka argigixisada,burcad badeeda iyo kooxaha  Badda Soomaaliya qashinka kusoo shubaya .

Mudane Dr Maxamed C/laahi Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda maamulka Somaliland oo isna dhankiisa ka hadlay shirka jaraa’id ayaa tilmaamay in kulanka dhexmaray labada gudi uu ahaa kulan muhiim ah islamarkaana ay dhankooda diyaar u yihiin iney dhowraan qodobada lagu heshiiyey.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa qaba in shirkan lagusoo gebagebeeyey duleedka magaalada London ee dalka Britain uu yahay mid ka mid ah furayaasha dhabaha u xaari kara adkeynta Midnimada Umadda Soomaaliyeed.
.

June 21, 2012

RM.