Home > TFG Somalia, WARARKA > Madaxweyne Shariif,PM Gaas,Afhayeenka Baarlamaanka Oo Dalka Kusoo Laabtay Laguna Soo Dhaweeyay

Madaxweyne Shariif,PM Gaas,Afhayeenka Baarlamaanka Oo Dalka Kusoo Laabtay Laguna Soo Dhaweeyay

Sunday, June 24, 2012

Muqdisho,Somalia,23Jun 2012 –Waxaa gagida diyaaradaha caalamiga ee “Adan Cadde Airport” Muqdisho waqtiyo kala duwan oo maanta ah kasoo dagay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya,iyoAfhayeenka Baarlamaanka,waxaana halkaa loogu soo dhaweeyay si diiran.
.

Madaxda dalka ayaa kasoo noqday socdaal shaqo oo ay dalka kaga maqnaayeen maalmaahan iyagoo kasoo qayb galay shirkii ka dhacay Nayroobi 20 – 22 june ee saxiixayaasha roadmapka, kana soo wada saaray bayaan (AKHRI: WARMURTIYEEDKA.)

.
Waxaana soodhawaynta madaxda kaqayb galay xubno ka tirsan labada gole ee dawladda Soomaaliya,saraakiil sare oo dawladda ah,Madaxda Degmooyinka Gobolka Banaadir,ururada haweenka iyo dadweyne kale.

.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Prof. CabdiwaliMaxamed Cali oo ugu horreyn kasoo dagay garoonka oo saxaafadda halkaa kula hadlay ayaa sheegay in shirkii ka dhacay Nayroobi looga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo dhamaystirka Roadmapka uuna kusoo dhamaaday guul sidaana waxaa lagu sheegay qoraal kusoo baxay warbaahinta qaranka.

.

“Waxaa magaalada Nairobi noogu soo dhamaaday Shirkii ay ka soo qeybgaleen Saxiixayaashii Roadmap-ka, Wuxuuna shirkaasi ku dhamaaday si guul ah islamarkaana sidii loo derder gelin lahaa howlahaasi”.

.

Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in markaa kadib uu soo dagey madaxwyne Sh.Shariif  Sh. Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Md Shariif Xasan  Sh. Adan halkaana uu kusoo dhaweeyay R/wasaaraha Somaliya.

 

.

Laaska News.

.

Related:

Shirkii Saxiixayaasha Road-mapka Oo Ka furmay Kenya