Home > TFG Somalia, WARARKA > Madaxweyne Shariif Oo Hambalyo Udiray Shacabka, Kana Hadlay Arrinta SL

Madaxweyne Shariif Oo Hambalyo Udiray Shacabka, Kana Hadlay Arrinta SL

Monday, June 25, 2012

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Shariif Sh Axmed ayaa hambalyo ku aaddan 52 guuradii ka soo wareegtay xornimada gobollada woqooyi ee dalka u diray shacabka Soomaaliyeed.

.

Madaxweyne Shariif Sh Axmed oo wareysi siiyay warbaahinta dawladda ayaa sheegay in sanad guuradani ay ku soo aadday xilli ay socdaan wada hadallo u dhaxeeya maamulka Soomaaliland iyo dawladda FKMG ah.
.

Wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliland in ay ka  soo dhalaalaan dowrkii ay waligood ku lahaayeen midnimada iyo isu keenidda shacabka Soomaaliyeed.
.

“Waxaan rabaa shacabka Soomaaliyeed in aan ugu hambalyeeyo munaasabadda 26-ka Jun 1960kii. oo ah maalin ku weyn shacabka Soomaaliyeed ee gobollada Woqooyi eey ka xoreebeen gummeysiga. Runtii waxayna ku soo aadday waqti ay bilowdeen wada hadallo u dhaxeeya woqooyi iyo koofur”  Ayuu yiri.

.

Madaxweyne Shariif Sh Axmed ayaa soo dhaweeyay niyad wanaag iyo xilkasnimada ay muujiyeen maamulka iyo Shacabka Soomaaliland, isagoo tilmaamay in ay Soomaalidu sinna u kala tagi Karin hase yeeshee loo baahan yahay in la xalliyo haddii wax la kala tabto.
.

“Waxaan rabaa si gaar ah inaan ugu mahad celiyo walaalaheena Soomaaliland, niyad wanaagga iyo xilkasnimada ay muujiyeen, annaguna waxaan muujineynaa dhinaceena inaan diyaar nahay. Soomaalina melena kalama tagi karto laakin haddii wax lakala tabto in la xalliyo waa lagama maarmaan” ayuu yiri madaxweyne Shariif.
.

26-kii Jun ee 1960 ayay gobollada Woqooyi ee dalka ka xoreebeen gumeystihii Ingiriiska, berrina waxaa bilaabanaya toddobaadka xornimada Soomaaliya, oo ay ku jiraan munaasabado badan, sida maalinta xornimada Jabuuti oo ah 27 Jun iyo maalmaha xorriyadda Soomaaliya oo kala ah, 26ka Jun iyo 1 Julay.

June 25, 2012

by Yusuf

.
RM.